Midawga Afrika Oo Ka Hadlay Xasaradda Ka Dhex Aloolsan Soomaliya Iyo Kenya
Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa markale ka hadlay xiisada xoogan ee haatan u dhexeysa dalalka dariska ah ee Soomaaliya iyo Kenya, taas oo maalmihii dambe cirka isku shareereysay.
Ugu horreyn guddoomyaha ayaa waalac ka muujiyey xaaladda ka dhex oogan labada dowladood oo horay isugu hayey arrimo la xariirka kiiska Badda ee hor yaalla ICJ.
Moussa Faki Mahamat ayaa ka dalbaday madaxda labada dal inay is xakameeyaan, islamarkaana khilaafaadkooda ay ku xalliyaan wadahadal iyo deganaan.
Sidoo kale wuxuu ugu baaqay xukuumadaha Muqdisho iyo Nairobi inay ka wada shaqeeyaan sidii dib loogu soo celin lahaa Xidhiidhka saaxibtinimo ee Soomaaliya iyo Kenya.
Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in ururkooda oo kaashanaya beesha caalamka ay sii wadi doonaan dadaalkooda ku aadan, sidii laβisugu soo dhoweyn lahaa labada dhinac, loona dhameyn lahaa xiisadooda.
Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in Midowga Afrika uu diyaar u yahay, sidii laβisugu keeni lahaa labada dhinac, si ay u xaliyaan khilaafaadka ka dhexeeya.
Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dagaalkii dhowaan ka dhacay degmada Beled-Xaawo, gaar ahaan xuduuda Soomaaliya iyo Kenya uu xoojiyey xiisada labada wadan.