Xiisadda Somaliland Iyo Puntland Oo Sii Xoogaystay

Ciidamada Somaliland iyo Puntland ayaa isku horfadhiya degaano dhowr ah oo ku yaalla gobolka Sanaag, waxaana saacaddihii ugu dambeeyay socday Gurmadyo kala duwan oo ka kala imaanayay degaanadaย  Somaliland iyo Puntland.

Sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal Somaliland ayaa Saacaddihii ugu dambeeyay ciidamo badan soo dhoobtay degmada Yubbe oo dhinaca bariga ka xigta magaalada Ceerigaabo, halka ย jabhadda Col. Caarre ee laโ€™dagaallanta Somaliland ayย  saldhigyo ku leh magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

 

Cutubyo ka tirsan ciidamadaย  ย dowladda Puntland oo xalay ka baxay degmada Badhan ayaa saaka gaadhay tuulada Ceelcad oo dhanka bari ka xigta degmada Yubbe gobolkaas sida ay soo sheegayan dadka degaanka.

 

Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Puntland ayaa dhankooda Abaabul dagaal ka wadda gobolka Sanaag.

 

Qaar ka mid ah Waxgaradka Somaliland iyo Puntland ayaa sheegay in xaaladda labadda dhinacย  ay xilliggan qarka u saaran tahay Xaalad dagaal.

Oodweynenews Ceerigaabo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker