Wasiirka Deegaanka & Guddoomiyaha Baanka Dhexe Iyo Guulaha ay U Soo Hooyeen Gobolka Daadmadheedh
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Deegaanka Marwo Shugri Ismaaciil Baandare oo ahayd Wasiirkii Wasaaraddaas soo mara ee ugu waxqabadka badnaa iyo Guddoomiyaha Baanka Dhexe Mudane Cali Ibraahin Jaamac Albaqdaadi oo ah waayo-arag aqoon durugsan u leh maamulka iyo maareynta bangiyada ayaan maanta rabaa in wax yar ka idhaahdo Guulaha ay labadooduba ay u soo hooyeen Gobolka Daadmadheedh iyo Gayigooda Somaliland.
Haddii aan ku horreeyo ta gobolka waxa labadooda oo wada jir u shaqeynayaa ay Gobolka Dadmadheedh u soo hooyeen guulo aad u waaweyn, guulahaa waxa ka mid ah Mashuuraca Wadada Oodweyne iyo Burco isku xidha oo dhawaan la bilaabi doono inshallaah, waxa kale oo ay labadan masuul ka hirgeliyeen Gobolka Daadmadheedh mashruuca Biyo soo saarista Gobolka, iyaga oo keenay Seddex Riig oo ay hadda qaar qodistooda gacanta lagu hayo, qaarka kalena bilowgoodu uu dhaw yahay,maashaariicdan oo ah kuwii uu Madaxweynuhu ballan qaaday wakhtigii doorashada. Waxa kale Marwo Shugri iyo Albaqdaadi ay gacanta ku hayaan sidii loo dhisi lahaa Xabsiga Oodweyne uu yeelan doono taas oo ay xukuumaddu miisaaniyada Qaranka ay ku dartay.
Dhammaan masharicahaas kala duwan ee ka socda Gobolka Daadmadheedh iyo magaalada oodweyne waxaa Ku suntan Madaxweynaha Qaranku Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo laamaha Ay qusayso waxaana si wada jir ah ay masuuliyiintani uga shaqeeyaan in ay dhamaan mashaariicahaasi suurto galaan.
Wasiir Shugri Xaaji Ismaaciil Bandare waxa ay Ka hirgalisay in ay xarun cusub u dhisto wasaarada deegaanka ee Gobolka Daad Madheedh iyo gobolada dalka oo dhan, Gudoomiyaha baanka dhexe Cali Ibrahim run ahaantii wuxuu hirgaliyay inuu dhiso xarun baanka dhexe Ay Ku yeelato Gobolka Daadmadheedh iyo inuu dhamaan dayactir iyo qalabayn uu Ku sameeyay xarumaha gobolada dalka oo dhan, sida oo kale Waxaa uu Ku guulaystay shaqadii uu qaranka u hayay ee hoos u dhaca doolarka, Wasiir shugri waxa ay iyana Ku guulaysatay ilaalinta deegaanka iyada oo kaambayn culus ugu jirta yaraynta dhuxusha una soo hoysay qaranka guulo wax Ku ool ah iyada oo Ka qayb gashay shirar caalami ah, Labadaas masuul waxay kasoo baxeen moosinkii, masuuliyaddii iyo mansabkii ay dalka u hayeen, waxa aanan u rajeynayaa in ay dadaalka dadkoodu iyo dalkoodaba ugu jiraan in ay halkaas ka sii wadaan.
Ugu danbayn waxa aan sidoo kale Ku amaanaya uguna mahadcelinayaa Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo kasoo baxay balan qaadadii uu u sameeyay wakhtigii ololaha Gobolka Daad Madheed isaga isaga ayaana ku suntan dhammaan masharicahaas Ka hirgashay iyo kuwa laga hilgelindoona ba Gobolka Daadmadheedh.
Siyaasi Maxamed Ismaaciil Cawil “Dhiidhii”