Faysal muxuu yidhi? By Amir Bidde

Faysal markuu ka soo noqday shirkii Somalia ee Brussel wuxuu madaarka Cigaal ka jeediyey qudbaddiisii siyaasadeed ee ugu waynayd abid ee uu fagaare ka jeediyo. Qudbad aan laga soo shaqayn oo aan la soo tafatirin sidaa darteed uuna waraaq ka akhriyayn sidii aan madaxda “mucaaridka” uga barannay. Waxay ahayd qudbad si toosa uga soo baxaysay qalbigiisa oo cabbirsysa fikirkiisa dhabta ah.
Haddaba Faysal muxuu yidhi?
1. Wuxuu ka warramay taariikhdiisa waddaninimo iyo siduu dalkan ugu tudho. Siduu madaxwayne walba ugu nasteexeeyo (hadalkii Faysal: Cabdiraxmaan tuur baan ku idhi ma iyadoo maydadkii (xasuuqii Isaaqa) weli dhulka daadsan yihiim ayaad maanta idinkii is dilaysaan. Anigoo Finland jooga ayaad maalin walba BBCda iga maqli jirteen), wuxuu sheegay siduu Cigaal ugala shaqeeyey nabadda isagoon shaqsiyan mansab ka rabin (hadalkii Faysal: Cigaal dhowr jeer ayuu yidhi noqo wasiir; waxaan ku idhi sii jagada mid hadduu wasiirnimo waayo Xamar tegi lahaa), wuxuu sheegay siduu ula shaqeeyey madaxwayne Siilaanyo oo uuna ku noqon mucaarid adag.
2. Xidhiidhkiisa Somalia: wuxuu sheegay inuu madaxda Somalia saaxiibo dhow yihiin (hadalkii Faysal: haddaad telefoonkayga eegtaan waxaad ku arkaysaan nambarkii Farmaajo markuu Amerika degganaa, kii markuu Nairobi joogay… waa markuu Farmaajo ololaha ku jiray… iyo nambarkiisa imika ee Xamarba. Safiirka Somalia ee Brussel ee shirka igu qaabilay waa seedigay…)
3. Shirkii Brussel: wuxuu sheegay inuu shirkaa Somaliland ku metelayay oo uu soo dhiciyayna wixii Somaliland kaga soo hagaagay sadaqada la qaybinayay.
4. Wuxuu aad iyo aad u weeraray siyaasadda madaxwayne Muuse ee arrimaha dibadda iyo arrimaha gudahaba. Weerar cad oon looga baran Faysal. Wuxuu si adag u sheegay in Muuse ku fashilmay hoggaamintii dalka. Waddankeenu maanta ka liito 7 bilood ka hor siduu ahaa, isagoo su’aashaa hab xeeladaysan u waydiiyey dadkii ku xoonsanaa ee uu u qudbadaynayay. Wuxuu si cad u daadafeeyey colaada Tukoraq. Isagoo yidhi waxaan u taageeray dagaalka Tukoraq waxaan moodannay in la gaadhayo xuduuda laakiin tuulo yar (Tukoraq) oo dhexda ah oon xuduud u dhowayn sumcaddu ha kaaga dhimato maaha wax noo cuntamaya. Wuxuu ku hanjabay in uu sugayo inta la xallinayo colaada Ceelafwayn ka dibna ka tashanayo taageerada Xukuumadda.
Wuxuu si qaawan u dhaleeceeyey fikirka siyaasadeed dadka Somaliland, isagoo ku tilmaamay dad badow ah oon siyaasadda dunida waxba ka fahmayn, oo qofka Somalilanderka ah hammigiisu qabiil uun yahay oon waddaninimo iyo dal jacayl toona lahayn.
5. Wuxuu weeraray xildhibaanadii barlamaanka ee soo jeediyay in la xidho. Wuxuu si cad u sheegay inuuna aqoonsanayn barlamaanka Somaliland. Wuxuu sheegay in nimankaa 5 sano la doortay maantana ay marayso 15 sano wax awoodsiin ah iyo ogolaansho  dadwaynaha toona ma haystaan waa budhcad kuraastii laga kicin kari laayahay.
Runtii waxay ahayd qudbad aad u ballaadhan oo Faysal ka soo go’day qalbigiisa, muujinaysana Faysal wuxuu dhab ahaan aaminsan yahay.

Wa Billahi tawfiiq
A. Amir Bidde Nuur
ayanle_60@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker