Xalka Kenya ay Usoo jeedineysa Soomaaliya Xal Ee Ku Aadan Badda Soomaaliya

Walaaca dowladda Kenya ay ka qabto in lagaga adkaado kiiska dacwada badda Soomaaliya ee hor-yaalla maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ayaa sii kordhaya, waxayna soo jeedineysaa xal kheyraad wadaag ah, sida uu qoray wargeyska The East African ee Naiorbi ka soo baxaa.

 

Wargeyska ayaa sheegay in Kenya ay hadda waddo dadaal xooggan oo dalalka deriska la ah iyo beesha caalamka uga codsaneyso inay xal u helaan muranka badda ee ka dhaxeeya Soomaaliya.

 

Ilo-wareedyo la hadlay The East African ayaa sheegay in Kenya ay isku dayeyso in Soomaaliya ay ka laabto kiiska maxkamadda, islamarkaana xal ka baxsan maxkamadda la gaadho.

 

Xalka Kenya ay soo jeedineyso ayaa waxaa ka mid ah in iyada iyo dalka Soomaaliya ay gaadhaan heshiis ay ku wadaagayaan kheyraadka u badan shidaalka ee la rumeysan yahay inuu ku jiro dhul-badeedka lagu muransan yahay.

 

Dhinaca kale, Xog ay heshay shabakadda caasimaddu ayaa sheegeysa in Kenya ay diyaar u tahay heshiis dhigaya in Somalia ay qaadato 55% dakhliga kasoo xarooda shidaalka dhulka la isku haysto, halka Kenya ay heleyso 45%.

 

Dowladda Kenya ayaa xilligii dowladda Xasan Sheekh usoo jeedisay Soomaaliya inay qaadato 25% kheyraadka, halka iyaduna ay heleyso 75%, taasi oo madaxweyne Xasan uu ka diiday, waxaana hadda muuqata in Kenya ay dabac xooggan sameysay.

 

lama oga talo soo jeedintan Kenya in ay aqbali doonaan maamulka Villa Soomaaliya iyada oo safarkii ugu dambeeyey ee Farmaajo ku tagay Kenya ay dadka Soomaalida ahi shaki weyn ka muujiyeen.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker