Shirkadda Elon Musk oo lagu eedeeyay in ay lacag ka qaaday argagixso

Shirkadda X ee horay loo oran jiray Twitter ayaa siisyay adeegyada rukumashada bogag ay leeyihiin kooxo argagixiso ah, sida ay sheegeen kooxo ololeeyayal tiknoolajiga ah.

Barnaamijka TTP ayaa ogaaday in shirkadda X ay siisay calaamada buluuga ah akoono ay leeyihiin xubno ka tirsan ururka Xisbullah iy kuwa kalaba.

Calaamadda buluugga ah ayaa bishii lagu kireeyaa $8 iyada oo macaamiisha u ogolaaneysa inay daabacaan qoraalo dhaadheer oo gaaraya dad badan.

X ayaa warbixintaan ka dib kala noqotay calaamadii dadka qaar, iyada oo sheegtay in ay adkeysay ammaanka.

Go’aanka Elon Musk ee ahaa inuu lacag ka aado dadka haysta calaamadda buluugga ah ayaa wuxuu ahaa id kamid ah waxyaabihii ugu badan hadal haynta dhaliyay sanadkii 2022 kii oo uu iibsaday shirkadda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker