Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Qorshaynta Oo Kullan Magaaladda NAYROOBI Kula Qaatay Wakiiladda Haay’addo Samofal Oo Caalami Ah

Nayroobi:(OWN)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta & Horumarinta Qaranka Somaliland Mudane Cabdirashiid Ibrahim Sh. Cabdiraxmaan oo hawlo shaqo ugu maqan dalka Kenya Magaaladiisa Nairobi aya kulamo la yeeshay Wakiilka Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ah ee dalka Japan mudane Shinjiro Amameishi & madaxa mashaariicda ee JICA, Mudane Atsushi IIJIMA. Waxaa kulan ka lagaga wada hadlay mashaariicda horumarineed ee ay hay’adda JICA ka wado Geeska Afrika & sidii ay mashaariicdaa horumarineed ay usoo gaadhsiin lahaayeen Somaliland. Sidoo kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta & Horumarinta Qaran Mudane Cabdirashiid Ibrahim & Gudoomiyaha Baanka dhexe, Mudane Ali Ibrahim & Xildhibaanada Guddida Dhaqaalaha ee Gollaha Wakiilada JSl, ayaa kulan kula yeeshay magaalada Nairobi u qaybsanaha Dhaqaalaha & Gacansiga ee Safaarada Shiinaha ee dalka Kenya, magaalada Nairobi. Waxaa sidoo kale waftigu kulan la yeesheen Wakiilka Bangiga Adduunka ee Somaliland iyo Xildhibaanada Baarlamanka Kenya ee laga soo doorto Gaarisa & Wajiir. Agaasimaha Guud waxaa uu sidoo kale kulan la yeeshay Hay’adda Tabarucayaasha ee Qaramada Midoobay (United Nations Volunteers), si dhalin yarada Somaliland loogu helo fursado ay dalkooda iyo kuwa Afrikaba ay wax ka tari karaan isla markaana ay fursado ay ku tabo bartaan uga heli lahaayeen hay’adaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker