Maayirka Hargeysa iyo Xeerkii Saksooniya
Sharcigu Ha Sareeyo Weedhani waxay tilmaamaysaa in dalka iyo dadka Xeerku xukumo
se aanu qof xukumin Muwaadiniintu inay u siman denbiyada ay galaan Somaliland
Cabdi waa MUWAADIN dhalinyaro ah ku eedaysan inuu laaluush qaatay iyo ku tagri fal xil uu hayay wuu QIRTAY xukunkii marka uu dhacay wuxu yidhiย “Xeerku Aniga Iyo Maayirka Hargeysa Si Hanoo Wada Qabto” !!!
Waxa igu soo dhacay XEERKII SAKSOONIYA saksooniya waa gobol ka mid ah dalka jarmalka 600 Sano ka hor waxa jiray xeer u gaar ah Gobalka wuxuu u dhignaa sidanย “Hadii uu Muwaadinku denbi galo in xeerka lagu qaado mawaadinka (baahan) markuu wax diloย Qoorta laga gooyoย , Muwaadinka Xil Haya ama Hantiile ah haduu waxa diloย Hadhkiisa Qoorta laga gooyo, sidoo kale ka baahani haduu wax xado inย jeedal lagu karbaashoka Hantida leh ama Xil Haya haduu wax xadoย hadhkiisa jeedal lagu karaasho”
Fiiro Gaar ah : Hay’adda Garsoorku waxaan qirayaa in ay inta itaalkeed Cadaaladda ilaaliso shaqadeedu waa intaa waanay ka soo baxday
Maqaalo Taxane ah oo hordhac u ah Dawladda Hoose Hargeysa oo aan ugu hiilinaayo Muwaadinka dulman ee Caasimada ku nool
Alaahu Hal-Balaqtu Fashhad
Maxamed Xoosh
shabcuuno@hotmail.com