Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cigaal ( jaamac Shabeel) oo Masuuliyiinta Xilalka ka haya Xukuumada Somaliland Baaq u diray

In Dadka La Kala Fogeeyo Maaha”
-Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), ayaa Masuuliyiinta xilalka
qaranka haya ugu baaqay inay ka digtoonadaan hadalada ay odhanayaan.

fogeeyo, oo caadifada iyo hadal aan meesha oolin lagu kala fogeeyo maaha,
waxaa loo baahna tabasho kasta oo jirta in halkeeda loogu tago oo la xaliyo,
laakiin looma baahnayn in waxaan meeshaba oolin la keeno, waxaana ka
digayaa in dadka la kala dilo, oo caadifad la kala dhex dhigo,

halkii aynu hore

ugu socon lahayna maaha inaynu dib u socono, ee ninka xilka qaran umadda
u haya loogama baahna caadifad iyo hanjabaad, ee waxaa looga baahan
yahay dulqaad iyo daacadnimo , ninka xilka qaran haya waxaa looga baahan
yahay inuu waajibkiisa daacadnimo u guto, ee loogama baahna inuu wax
walba siyaasad ka dhigo”.

Siyaasi Jaamac Shabeel ayaa mar uu baaq u diraayey Shacabka reer
Somaliland wuxuu yidhi “Umadda reer Somaliland meel kasta oo ay joogto,
Gobol kasta oo ay joogto iyo Deegaan kasta oo ay joogto, waa umadda reer
Somaliland ah, ee Umadda reer Somaliland in la kala qaybiyo, oo la kala lexejelcaysto,

oo la kala didiyo uma baahna, ee in la kasbado oo la soo jiidato oo
lagu wada qanciyo Somaliland-nimada ayaa loo baahan yahay, Umadda reer
Somaliland inay meel kasta oo ay joogaan waxaan leeyahay wax kasta oo
dhaca dalkiina wada ilaashada, oo nabadgalyadiina wada ilaashadan, oo
siyaasadaha la idinku kala qaybinayo ka fogaad

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker