Nin Lagu Eedeeyay inuu Gubay Qayb ka Mid Ah Qur’aanka Kariimka Oo La Dilay

Kooxo hubeysan ayaa Pakistan ku dilay nin lagu eedeeyay inuu gubay bogag ka mid ah Quraanka Kariimka, sida ay booliisku sheegeen, waa kiiskii ugu dambeeyay ee rabshado aflagaado ah oo ka dhacay dalkaasi.

Booliska ayaa sheegay in in ka badan 80 qof loo xidhay dilka Sabtidii ka dhacay degmada Khanewal ee gobolka Punjab.

Wararka ayaa sheegaya in ninkan uu ku jiray gacanta booliska ka hor inta aanay dad badan ka kala bixin gacantooda. Meydkiisa ayaa lagu wareejiyay qoyskiisa, waxaana aas loo sameeyay Axadii.

Raysal wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa sheegay in kiiskan “loo cuskan doono sharciga” wuxuuna codsaday in warbixin laga siiyo saraakiisha booliiska ee lagu eedeeyay inay ku guul-darreysteen waajibaadkoodii ahaa badbaadinta ninkaas. Waxa uu sheegay in dowladdiisu, aysan “wax dulqaad ah u lahayn qof kasta oo sharciga gacmihiisa ku qaata”.

Munawar Husseen oo ka mid ah saraakiisha booliiska ayaa sheegay in ciidamada ay u yimaadeen sidii ay u heli lahaayeen ninkan oo la sheegay in da’diisa lagu sheegay 40-sano jir, isagoo miyir daboolan oo geed ku xidhan.

Khanewal waxay ku taal meel 275 kilomitir u jirta Lahore. “Dadka tuulada oo ku hubaysnaa budad, faashash iyo biro ayaa dilay, maydkiisana waxay ka soo laalaadiyeen geed,” ayuu Xuseen oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker