Dawladda Qatar Oo Taageero Cusub U Ballan Qaaday Soomaaliya

Wasiirka haweenka iyo arrimaha xuquuqul insaanka xukuumadda federaalka Soomaaliya Deeqa Yaasiin Xaaji oo ku sugan magaaladda Dooxa ee dalka Qatar ayaa kulan gaar ah la qaadatay wasiirka hormarinta, shaqaalaha iyo arrimaha bulshada dalkaasi Yusuf BinMohamed Al Othman.

 

Labada ma’suul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltimo ee ka dhaxeeya dalalka Qatar iyo Soomaaliya iyo sidii xukuumadd Dooxa ay DFS uga gacan siin laheyd dhanka horumarinta iyo arrimaha xuquuqul insaanka.

 

Qatar ayaa saaxiib dhow la ah Soomaaliya , iyadoona ka taageerta dhinacyada waxbarashada, bani,adanimada iyo horumarinmta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker