Maraykanku Wadahadal Naguma Qasbi karo,, Madaxwayne Rouhani

Madaxweyne Hassan Rouhani ayaa soo jeediyay in laga yaabo in Iran ay dooneeyso in ay wadahal la yeelato Mareeykanka waa haddii ay ixtiraam US muujiso, balse waxa uu sheegay in aanan cadaadis lagu saarin karin wadahalka.

Iran iyo Mareykanka ayaa bilihii ugu dambeeyay qarka u saarnaa iska hor imaad, sannad kadib markii Mareykanka uu ka baxay heshiis caalami ahaa ee u dhaxeeyay Iran iyo waddamada awoodda leh ee caalamka kaasi oo lagu xaddidayay mashruuca niyukleerka ee Tehran, waxaana markaasi Iran laga qaaday cunaqabteenadii saarnaa.

Washington ayaa sannadkii hore dib ugu soo rogtay cunaqabteenada waxa uuna Mareykanka dhammaan waddamada kale ugu baaqay in ay joojiyaan shidaalka dalka Iran looga soo dhoofiyo.

Toddobaadyadii ugu dambeeyayna Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in ay suuragal tahay iska hor imaad milatari ee labada dal kaasi oo sheegay in ciidamo dheerad ah uu u dirayo bariga dhexe.

 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in heshiiskii niyukleerka ee sannadkii 2015-kii usan ahayn mid aan aad loo adkeeynin waxa uuna Iran ku khasbayaa in ay heshiis cusub galaan.

Qaar ka mid ah saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in ay suuragal tahay in ay biloowdaan wadahadallo cusub oo u dhaxeeya Mareykanka Iyo Iran.

Trump ayaa Isnintii sheegay in Iran ay heysato fursaddii ay marlbaad ku noqon lahayd waddan quwad leh iyadoo ay weli hoggaanka u hayaan isla madaxda haatan joogto.

Gudoomiyaha maxkamadda ugu sareysa dalkaasi Ayatollah Ali Khamenei ayaa Arbacadii sheegay in Iran ay wadahal la gali doonin Washington inkastoo Rouhani mar sii horeeysay ka dhawaajiyay in wadahadal uu suuragal yahay waa haddii cunaqabateenada laga qaado.

Muxuu salka ku hayaa khilaafkan soo cusboonaaday?

Xiisadahan ugu dambeeyay ee u dhaxeeya labadan dal ayaa imanaya kaddib markii ay Iiraan joojisay waajibaadkii ka saarnaa heshiiskii caalamiga ahaa ee nukliyeerka sidoo kalana ay ku gooddisay inay dib u bilaabi doonto barnaamijkii ay ku kobcinaysay uranium-keeda.

Heshiiskii 2015 ayaa waxaa loogaga gol-lahaa in Iiraan lagaga qaado cunaqabateynta taa badelkeedana ay soo afjarto barnaamijkeeda nukliyeerka, hasayeeshee Mareykanka ayaa sanadkii tegay isaga baxay heshiiskaasi iyadoo cunaqabateyn cusubna uu soo dalkaasi ku soo rogay.

The USS Abraham Lincoln is seen in a handout pictureMCSN JASON WAITE / NAVY OFFICE OF INFORMATION / A

Mareykanka ayaa waxa uu gacanka geeyay maraakiib iyo diyaarado dagaal waxa uuna amray in shaqaalaha aan sida degdega ah loogu bahnayn ee Ciraaq ku sugan ay halkaasi isaga soo baxaan, isagoo sheegay inay jiraan warar sirdoon oo sheegaya suuragalnimada halis ciidammada Mareykanka kaga timaado waddanka Iiraan.

Baarayaasha Mareykanka ayaa sidoo kale waxa ay bilowgii bishan Iiraan ku eedeeyeen ama kooxaha ay baritaarto inay walxaha qarxa u adeegsanayaan inay ku waxyeeleeyaan maraakiibta shidaalka qaadda ee ka baxaysa Isu-tagga Imaaraatka Carabta. Tahraan ayaa iska fogaysay eedahaasi.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker