DHACDOOYINKA LAYAABKA LEH EE GOBOLKA DAADMADHEEDH

Dhacdooyinka layaabka leh ee ku soo badanaaya dunidan aakhiru samaanka ah waa kuwo maskaxdaadu ay qaadi kari waayayso, waana kuwo ka turjumaya khaladaadka bulsheedeennu ay ku jirto maanta. Khaladaadkaasi mararka qaar waa kuwo ah danbi culus oo aakhiro u xun. Bal aan tusaale idin siiyo:

 

Aniga oo ah dhalliinyaro badan oo Oodweyne joogta ayaan maalin idhi, “Barri Burco ayaan tegi rabaa.” Waxa la ii waydiiyay, “Maxaad raacaysaa?” Anna waxa aan u sheegay in aan gaadhi hebel raaci doono. Kadib mid ka mid ah dhalliinyaradii ayaa igu jawaabay, “Waar kaas ha raacin ee iska daa.” Anna waxa aan waydiiyay sababta uu iigu diiddan yahay in raaco gaadhiga hebel. Kadib waxa uu iigu jawaabay, “Gaadhigaasi wuu eedaamay!” Aniga oo la yaabban hadalka saaxiibkay ka soo yeedhay ayuu wiil kalena yidhi, “Waa runtii oo waa gaadhi ashahaatay ee iska daa.”

Yaab badan ka dib, waxa aan fahmay in ay u jeedaan in uu gaadhigu yahay gaadhi kharaab ah oo daalay. Subxaanallaah. Waxa se aan is waydiiyay Eedaanka iyo ashahaaddu ay ku macnaynayaan waxa xun miyaanay ahay waxa adduunku ugu qaalisan ee la maqlo?

 

Haddaba waxa jira dad badan oo iswaydaariyay xumihii iyo samihii, kuwaas oo wixii wacnaana u yaqaan wax xun wixii xumaana u yaqaana wax wanaagsan oo wacan. Waxaanan xasuustaa riwaayadii Sooraan iyo jawaan ee ahayd “Garacsanaa waa ammaan!”

Aan u soo daadego dulucda maqaalkaygan. Waxa jira maanta dad maamulka fadhiidka ah u yaqaanna mid shaqaynaya. Calaashaan xagga kale iskugu daaba, Cajiib! Waxa taas u marag ah, in ay dhawaan qaar ka mid ah dhalliinyarada Gobolka Daadmadheedh ay dhawaan shahaado-sharaf guddoonsiiyeen badhisaabka Gobolka Daadmadheedh, kaas oo ay ka marag yihiin dadka maanka fayoobi in aanu bil dhamays tiran u hoyan gudaha magaalada Oodweyne, muddadaas 18 bilood ah ee uu magacownaa. Dadka ku nool Degmada Oodweyne 5% mooyaane 95% ma ay arag mana yaqaanan. Shantaasina waa kuwo la shaqeeya iyo Tvga ka arkay. Dadka shahaadada siiyayna waa kuwaas oo aan hore ku soo sheegay iyo kuwo uu risiqu ka galay guulwadaynta.

Haddaba miyaan la odhan Karin xukuumaddu ma mooggana fadhiidnimada Badhisabka oo way ka warqabtaa, balse Daadmadheedh ayay u haysaa colaad gaamurtay, illeyn waa ay ka beddeli lahayde.

 

Ugu danbayn dhalliinyarada caqligoodu shaqaynayo waxa aan kula talinayaa in ay ka hadlaan xaqiiqda oo aanay ka aamusin, haddii la doono sida imikaba dhacday ha loo dhiibo askar oo ha la yidhaahdo ha la geeyo maxkamadee. Walow aannu ku kalsoonnahay caddaalada iyo garsoorka Gobolka. Hana ogaadaan haddii ay dadku ka baqaan xaqiiqda in aanay xagga Alle wax ba ka ahayn.

 

Qalinkii: Maxamuud Cawiln Aadan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker