Dawladda Burundi oo Xaqiijisay in 12 Askari lagaga dilay Weerarkii duleedka Degmada Balcad

Muqdisho (OWN) – Dowladda Burundi ayaa war ka soo saartay weerar in ka badan 10 askari lagaga dilay maalin ka hor oo ka dhacay gobolka Shabeelaha Dhexe.

Sarkaal sare oo ka tiran ciidamada dalkaasi oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP ayaa xaqiijiyey in weerarkaasi oo ahaa mid jidgooyo ah lagaga dilay illaa 12 askari oo ka mid ahaa ciidamadooda ka howlgala gudaha Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Sidoo kale sarkaalkan ayaa shaaciyey in weerarkaasi lagaga dhaawacay 6 askari, isagoo sheegay in xilliga uu dhacayey ay ciidamadu wadeen howlgal amni xaqiijin ah.

Sabtidii la soo dhaafay ayey aheyd markii agagaarka deegaanka Golooley dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay ku weerareen kolonyo ka tirsan ciidamada dowladda Burundi ee ka howlgalka qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka HirShabelle.

Al-Shabaab ayaa sheegatay in weerarkaasi ay ku dishay, illaa 14 askari, kuna dhaawacday tiro intaasi ka badan, sida ay hadalka u dhigtay.

Inta badan ciidamada AMISOM ayaa weeraro dhabo gal ah kala kulma Al-Shabaab, xilliyada ay isaga kala gooshayaan Muqdisho iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker