Ganacsato bilaabay inay Dhexdhexaadiyaan Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Ganacsade Axmed Cismaan Geelle

Ganacsato Is Xilqaantay Oo Dhexdhexaadinaya Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Ganacsade Axmed Cismaan Geelle

Hargeysa(OWM):-Qaar ka mid ah ganacstada Somaliland ayaa bilaabay dedaalo ay ku dejinayaan xiisada ka dhalatay arrinta Ganacsade Axmed Cismaan Geele.

Ganacsatadan oo iskood isu xilqaamay ayaa waxa ay kulamo kala duwan la yeesheen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Ganacsade Axmed Cismaan geele.

Sida ay sheegayaan warar soo baxay ganacsatada ayaa waxa ay kulankoodii koowaad Axadii la yeesheen Madaxweyne Muuse iyagoo kala hadlay in marka hore la dejiyo xiisadda ka dhalatay hadaladii ay Madaxtooyada iyo Ganacsade Axmed Cismaan Geele warbaahinta isu mariyeen.

OODWAYNEMEDIA OFFICE Hargaysa

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker