Beesha Caalamka oo baaqyo cusub kasoo saartay xaaladda siyaasadda Soomaaliya

Saaxiibbada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa soo dhaweeyay sii socoshada wadaxaajoodyada hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya.

Beesha caalamka ayaa si gaar ah u bogaadisay wadahadalladii shalay dhex maray ra’iisul wasaare maxamed Xuseen Rooble iyo golaha musharraxiinta madaxweynaha

“Saaxiibbada Soomaaliya ee Beesha caalamka waxay soo dhoweynayaan sii socoshada wadahadalada 1dii Maarso ee u dhaxeeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Musharaxiinta Madaxweynaha. Kadib shirkii guusha kusoo dhammaaday ee 25kii Febraayo” ayaa lagu yiri qoraal goor dhow ka soo baxay beesha caalamka oo intaa ku daray “saaxiibadu waxay ka codsanayaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Murashaxiinta Madaxweynaha inay ku tallaabsadaan horumar hor leh”

Beesha caalamaka ayaa sidoo kale sheegtay in ay dhiirrigelinayso qabashada shir madaxeedka siyaasadda Soomaaliya si loo sii mabaqaado taabbagelinta heshiiskii 17-kii September iyo talooyinkii guddiga farasmada ee Baydhabo ku shiray ay soo gudbiyeen.

“Waxaan sidoo kale ku boorineynaa madaxda DFS iyo DGXF inay qabtaan shir-madexeedkii la qorsheeyay maalmaha soo socda si loo xaqiijiyo qorsheyaasha fulinta ee heshiiskii 17kii Sebtember, loona soo gabagabeeyo dib u eegista soo-jeedintii Guddiga Farsamada ee 16kii Febraayo si geedi-socodka doorashada uu u bilaawdo iyadoo aanay jirin dib u dhac dambe.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 4ta Maarso 2021 martigelinaya munaasabad lagu dhammeystirayo dadaalkii iyo wada hadalladii laxiriiray hirgelinta doorashooyinka dalka ee udhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker