Eritrea oo si kulul uga jawaabtay Xayiraad Mareykanku kusoo rogay Taliyaha Ciidamadeeda

Wasaaradda Arrimaha Dibedda dowladda Eritrea ayaa si kulul uga jawaabtay cunaqabateyn Mareykanku kusoo rogay Taliyaha guud ee ciiadmada dalkaasi, kadib go’aan kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda Dalka Mareykanka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Dowladda Eritrea ayaa lagu sheegay inaan la aqbali karin u tallaabada Mareykanku kula kacay Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Eritrea Gen. Filipos Woldeyohannes , waxayna waxba kama jiraan ku tilmaantay eedeymaha loo jeediyey, ayna yihiin kuwo aan sal iyo raad lahayn.

“Runtii tani maahan markii ugu horreysay oo Maamulka Mareykanka uu ku dhaqaaqo ololeyaal aan sal lahayn oo ka dhan ah Eritrea, waa wax laga xumaado inaad ku dhaqdhaqaaqden go’aano ku saleysan wararka war-baahinta oo aan sal iyo raad toona lahayn” ayuu lagu yidhi qoraalka Wasiirka Arrimaha dibadda.

Eritrea waxay ku dooday in tallaabada uu Mareykanku uu qaaday ay qeyb ka tahay siyaasado caddownitinimo ku dhisan oo maamuladii kala dambeeyay ee Maraykanku kula dhaqmayeen Eritrea soddonkii sano ee la soo dhaafay. Waxayna ugu baaqday inay caddeyn u keento eedeymaheeda.

“Dowladda Ereteriya waxay ku boorinaysaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay dhabarka u ritaan mas’uuliyadda ka -hortagga iyo raadinta xal u helidda falalka soo noqnoqda ee xadgudubyada ba’an ee sharciga caalamiga ah iyo madaxbannaanida dadyowga iyo ummadaha ee Mareykanka” ayaa lagu yidhi warka jawaabta ahaa ee Wasaaradda Arrimaha dibedda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker