War Deg-Deg Guddoomiyaha G. Doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Is Casilay, Xili La Hadal Hayo In Shariif Xassan Ka Tanaasulayo Doorashada

Baydhabo-(OWN)-Guddoomiyaha guddiga doorashada madaxweynaha ee dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed, Xildhibaan Carfo Ibraahin Aadan ayaa xilka goor dhow iska casilay,sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.
Carfo, waxaa uu sheegay sababo u gaar ah in uu xilka isaga casilay, ma jirto faahfaahin inta ka badan oo uu bixiyay.
Guddiga doorashada madaxweynaha Koonfurgalbeed ayaa maanta howlahooda shaqo si rasmi ah u billaabay, waxaana maanta socotay diiwaangalinta musharrixiinta,iyadoo musharrixii ugu horreeyay ee la diiwaangaliyay uu noqday Mukhtaar Roobow.
Dhinaca kale, warar aan wali la xaqiijin ayaa sheegaya madaxweynaha xilka haya ee Shariif Xasan Sheekh Aadan in uu ka hadhayo doorashada, wallow aysan jirin ilaa hadda si rasmi ah cid u xaqiijisay.
Doorashada Koonfurgalbeed, waxaa mar hore lagu tilmaamay mid xasaasi ah oo ka duwan doorashooyinkii hore uga dhacay Koonfurgalbeed,doorashada ayaa la filaya in la qabto 17 November xilligii oo horay loo qorsheeyay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker