Wasiir ina kaahin oo ku fashilmey siyaasada arimaha gudaha iyo shaqadii madaxweynuhu u dirsadey iskuna badaley dagaal ooge raba inuu iska horkeeno madaxweyne muuse biixi iyo madaxweyne ku xigeenka Abdirahman saylici kadib

Wasiir ina kaahin  oo ku fashilmey siyaasada arimaha gudaha iyo shaqadii madaxweynuhu u dirsadey iskuna badaley dagaal ooge raba inuu iska horkeeno madaxweyne muuse biixi iyo madaxweyne ku xigeenka Abdirahman saylici kadib markii uu ku sheegey beesha madaxweyne ku xigeenka iney yihiin argagixiso iyo terrorist.By Musa Ali

Kadib dagaal ooge ina kaahin isaga oo aan ka fiirsan arimaha yar ee ay isku haystaan beelaha walaalaha ah ee wada dega xuduuda Ethiopia iyo somaliland u dhaxeysa kuwaasi oo ahaa shaqsiyaad ku moransanaa dhul beereed ay isku haysteen shaqsiyaad ayuu wuxuu u badaley dagaal qabiil waana dhibta maanta ka taagan degankaa inuu isagu masuul ka yahay.

Hadaba maxaa sobobey galbeed oo nabad lagu ogaa in sigaar ah uu wasiir ina kaahin inuu ciidan beeshiisa ah amar ku bixiyo iney weeraraan dad masaakiin ah oo dabeylihii ay xoolihii ka dhameeyeen in hadana intuu ciidan ay isku reer yihiin oo tignikada iyo hub casriya ay u adeegsadeen dhamaana dadkii tuulooyinkaa degana ay soo wada qaadeen xabsiga hargeisa imikana ay ka buuxaan.

Halka ay ka sugayeen baaqii madaxwene muuse biixi ee ahaa 5 shanta sano ee wax soo saarka waa in dadku ay ka faa,iideystaan dhulkooda oo ay wax kala soo baxaan sida dawladu u maalgalisey dhul beereedkii wajaale,gabiley iyo arabsiyo  arintaasi badalkeedii wasiir ina kaahina uu ugu badaley barakac,baabiin,qax,iyo dhaawac ay geysteen ciidamada R.R.U oo uu watey taliye ay ilmaadeer yihiin ina kaahin.

Hadaba waxaa is weydiinle madaxweyne muuse biixi ma,ogyahay mise uu laqabaa in sigaar ah beeshii madaxweyne ku xigeenka ee gurmadkii tukaraq ee ciidanka qaranka JSL ugu deeqdey xoolihii ugu badnaa lexejeclada ay ka qabto midnimada qaranka JSL iney ku naalaato mise umadu yaabtee ma sidii xirsiba isaga horkeeney siinaayo iyo saylici ayuu isna isla jaanqaadka madaxweyne muuse biixi iyo saylici ee muuqda ayuu rabaa inuu arqalad galiyo ( habar jeclow ina kaahin wakaa)

By Musa Ali

Musaali@hotmail.com

Amsterdam Holland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker