Itoobiya Oo Gacanta ku Dhigtay Hub Badan Oo Sharci Darro ah.
Mas’uuliyiinta gobolka Amxaarda ee dalka Itoobiya waxay sheegeen in kumanaan hub sharci darro ah ay ku qabteen halkaas ku qabteen 9kii bilood ee lasoo dhaafay.
Hubka la qabtay ayaa isugu jiraa ilaa 5,000 oo bastooladood ah iyo hub kale oo badan.
Waxay sidoo kale saraakiishu sheegeen in gacanta ay ku dhigeen Neefaf Lo’ ah oo gaadhaya 11,658 kuwaas oo ay soo dhaceen burcad xoolaha kala qaadda iyo badeecado si sharci darro ah dalka lagu soo geliyay.
Sakaariisha waxay intaas ku dareen in xabsiga ay u taxaabeen dad gaadhaya 225 qof oo looga shakiyay in dalkaas ay geliyeen alaabo sharci darro ah iyo 2,446 oo burcad ah.