Madaxii Shirkadda DP World ee Boosaaso oo la Dilay
Boosaaso(OWN)- Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in halkaasi saaka lagu dilay mas’uulkii mashruuca P&O ee shirkadda DP World u joogay magaalada Boosaaso, Paul Anthony Fermosa.
Dilka ayaa ka dhacay suuqa kaluunka ee magaalada Bosaaso ee loo yaqaan Neg-fish oo aan sidaa uga fogeyn dekadda kadib markii uu halkaas saaka tegey Paul Faramosa maadama uu taagnaa muran la xiriira goobtan ay kusoo xirtaan saxiimadaha kaluumaystadu.
Kaluumaysatada ayaa ka cabanaysay go’aamo ay soo saartay shirkadda DP World oo ahaa inay isaga guuraan goobtan, waxayna wararku sheegayaan inuu dilkan geystay nin dhalinyaro ah oo lagu sheegay inuu ahaa wiilasha kabaha caseeya, waxaana isaga oo dhaawac ah gacanta ku dhigay ciidamada amaanka ee goobta ku sugnaa.
Paul oo kasoo jeeda Jasiiradda Malta ayaa ahaa madaxa DP World ee dekadda Bosaaso tan iyo Bishii Oktoobar 2017.
Isku soo wada duubo Dawlada Puntland ayaan illaa iminka ka hadlin dilkan, Waxaase durba sheegatay kooxda Al-shabaab.





