Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Magaalada Jigjiga

Jigjiga(OWN)- Wararka ugu danbeeya ee magaalada Jigjiga ee deegaanka Somali Sate Itoobiya ayaa In wadada isku xidha  Magaalooyinka Addis ababa iyo Jigjiga ayaa Sadex maalmood ka xidhan magaalada Baabili oo 70 kiilo mitir u jirta Jigjiga kadib markii Teendhooyin ay ku xidheen wadada badhtankeeda dad ka cabanaya in isku dhacyada Quumiyadaha Oromada iyo Soomaalida aan waxba laga qabanin.

 

Arrintaan ayaa sababtay in deegaanka Soomaalida iyo magaalada Jigjiga wixii uga iman jiray dhanka Addis Ababa   ay gabi ahaanba istaagaan.

 

Waxaana la soo waramayaa  in ay go’doosan tahay Magaalada Baabili oo ay degan yihiin dadka soomaalida ah.

 

Dhowrkii Maalmood ee la soo dhaafay Waxaa magaalada ka dhacayay Rabshado u dhaxeeyay labada dhinaca oo khasaare kala duwan geystay.

Oodweynenews Newsroom

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker