Kooxda Al-Shabaab Oo War Kasoo Saartay Dilka Cabduqaadir Ibraahim Cabdulle Oo Muqdisho Lagu Dilay

Muqdisho (OWN) – Kooxda Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay dilka Cabduqaadir Ibraahim Cabdulle oo  lagu toogtay dagmada Xamarweyn ee gobolka Banaadir.

Labo nin oo ku hubeysnaa bastoolado ayaa toogtay Cabdulqaadir Ibraahim Cabdulle, oo ahaa askari ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka xilli uu dhex marayey suuqa bacadlaha ee dagmada Xamarweyne.

Kooxda Al-Shabaab oo dilka sheegatay ayaa shaaca ka qaaday in Cabdulqaadir Ibraahim Cabdulle uu ahaa gaashaanle sare, sidaas darteedna loo beegsaday.

“Mujaahidiinta ayaa degmada Xamar Weyne ku khaarijiyay sarkaal ka tirsanaa dowladda oo darajadiisa ciidan ay aheyd Gaashaanlle Sare” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al-Shabaab.

Ciidamada saldhiga dagmada Xamarwenye, ayaa durbaba goobta soo gaaray waxayna ka qaadeen goobta meedkii askarigii, ayagoona ka sameeyay baaritaan nawaaxiga goobtii toogashada ay ka dhacday kaas oo lagu baadigoobayo ragii ka danbeeyay toogashada, balse uma suurta-gelin inay gacanta ku dhigaan..

Dilalka qorsheysan ayaa si joogto ah uga dhaco magaalada Muqdisho, waxaana aad u adag in la helo dadka arrimahaasi ka dambeeya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker