“Xiisada Laascaanood ee ka dhalatay arxan-darrada Muuse Biixi” Faysal Cali Waraabe.
Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo ku baaqay difaaca Qaranka Somaliland oo uu sheegay in Dagaal toos Ah lagu soo qaaday waxaanu yidhi,
“Xiisada Laascaanood ee ka dhalatay arxan-darrada Muuse Biixi uu ku sameeyay shacabka dhigayay banaan baxyo nabadgelyo ka dib waxa loo soo jeestay dagaal qorshaysan oo fool ka fool ah oo ka dhan ah jiritaanka Somaliland oo ay wadaan xulafadii Keligii taliyihii hore ee Siyaad Barre.
Waxa la gaadhay xiligii la isu iman lahaa oo loo midoobi lahaa badbaadinta Jamhuuriyada Somaliland oo laga badbaadiyo Wuxuushtaas isa soo bahaystay.”