Wafti ay Hogaaminayaan Madaxwaynayaasha Oromada Iyo Somalida Oo Gaadhay Magaalada Dhagax-buur. + Sawirada

Waxaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Dhagaxbuur Wafdi ballaadhan oo ay hoggaaminayeen Madaxwayne Mustafe Cagjar iyo Madaxwaynaha Deegaanka Oromiya.

Wafdigan ayaa ka koobnaa mas’uuliyiinta labada degaanba kasoo jeeda, Odayaal dhaqameedka kasoo jeeda lambada deegaanba  iyo marti kale ayaa ka mid ahaa waftiga isdhexgalka ee labada Qoomiyadood. waxaana wafdiga soo dhawayn kala hortegay shacabka magaalada oo yar iyo waynba isugu jiray.

Wafdiga ayaa inta ay Dhagax-Buur joogaan kulamo la qaadan doona Shacabka magaalada, Wafdiga ayaa lagu wadaa in ilaa maanta ay halkaa ku sugnaadaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker