Qaramada Midoobay Oo Soo Dhawaysay Kulankii Maanta Dhex Maray Madaxwayne Farmaajo Iyo Maamul Goboleedyadda
Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo oo guddoomiyey kulan hordhac u ah shirka amniga qaranka oo ku qabsoomay aaladda Internetka ayaa Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uga warbixiyey wadahadalladii Jabuuti uga furmay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland.
Shirkan waxaa ka soo qeyb galay Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Raโiisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir,
Waxaana lagu heshiiyey in shirkaas rasmiga ah uu degdeg u qabsoomo, iyada oo Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu goโaaminayo goobta iyo wakhtiga shirka.
Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweysay kulanka Maanta dhex-maray Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada,kaas oo muhiim u ah xasiloonida guud ee dalka Soomaaliya.
Qoraal kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay Kulankaas,waxaana Qaramada Midoobay ay sheegtay in, isla markaana ay taageereyso kulankaas.