Dawladda Shiinaha Oo ka Hadashay Dhibaatada Uu Geysan karo Gantaalka Soo Dhacaya
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Wang Wenbin ayaa sheegay in Shiinuhu uu si dhow ula socdo gantaalka oo intiisa badanna ay guban doono marka dib uu dhulka soo gaadho,”Suurtagalnimada in gantaalka uu waxyeello ka geysto dhulka aad ayay u hooseeyaa,” ayuu yidhi.
Haddii gantaalka uu ku soo dhaco dhulka, gaar ahaana goob ay dad ku nool-yihiin, natiijada waxay noqonaysaa, sida diyaarad yar oo soo dhacaday oo weliba hawada ku soo burburtay, waxaa sidaasi sheegay Jonathan McDowell oo ka hawl gala xarunta Jaamcadda Harvard, oo la hadlay warbaahinta qaar.
Shiinaha waxaa lagu eedeynayaa in ay taxadar la’aan wayn tahay in la ogolaado in gantaal wayn uu dhulka ku soo noqdo isagoo aan la xakameyneynin. Balse dowladda Shiinaha waxay reer Galbeedka ku eedeysay dacaayad in ay ku wadaan gantalkan.
Gantaalka oo dherirkiisu yahay 30 mitir ayaa haatan dunida ku dul wareegaya, 90 daqiiqo kasta, xawaarahaas oo aad u sarreeya, sababayna inay khubarada cirbixiyeenaha ku adkaato in ay shaaciyaan halka saxda ah ee uu ku dhacayo.
Waxaa la sheegayaa in waxyaabaha xaaladda sii adkeynaya ee ay dunida ka walaacsantahay ay yihiin in Shiinuhu aanuu dunida inteeda kale la wadaagin macluumaad ku filan oo la xidhiidha gantaalkaas.