Britain oo soo celisey dahab askarteedu bililiqeysteen 150 sano ka hor

Dahab iyo alaabo kale oo horay looga dhacay boqortooyadii Asante oo mar ka talin jirtey halka maanta uu ku yaallo dalka Ghana, ka dib dagaal dhexmaray boqortooyadaas iyo ciidamo ka socdey Britain muddo haatan laga joogo 150 sano ayaa dib loogu soo celiyey Ghana.

Alaabtan oo ka kooban qalb ka sameysan dahab iyo qalin ayaa muddo badan taallay madxafyada ugu caansan Ingiriiska ayaa 32 shay oo ka mid ah hadda la soo celiyey, ku waas oo lagu wado in dhawaan lagu wareejiyo boqorka maanta xukuma waxa ka soo haray boqortooyadii Asante.

Waxaa la soo wariyey in soo celinta alaabtan uu codsaday Boqorka hadda ka taliya saldanada Asante Otumfuo Osei Tutu II, intii lagu guda jirey caleemo saarkii Boqor Charles III ee Ingiriiska oo uu ka qaybgalay.

Alaabtan qaaliga ah ayaa la dhigi doonaa madxafka Manhyia ee magaalada Kumasi oo ah caasimadda gobolka Ashanti, waxaana lagu soo bandhigi doonaa sannad guurada 25-aad ee ka soo wareegtay markii la boqray King Otumfuo Osei Tutu II.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker