NUXURKII DOODII MAANTA EE GUDDIYADA WADAXAAJOODKA SOOMAALIYA IYO SOMALILAND

#SL1: War dhegeysta nimanyohoow, midnimadii waxaannu ka dhaxalnay waad ogtihiin, dhegahayagu mar danbe ma maqli karaan. Halkan waxaannu u fadhinaa inaynu sidii laba dal oo jaar ah oo wax dhexmareen u kala bixi jireen inaynu turxaan la’aan u kala baxno.
#Som1: Dad walaalo ah aan nahay ma kala maaranno, fiiri abboowe, dadka Soomaali hal waaye inta iyo intaba waa joogaan, idinka maxaa ka cabsanaysiin.
#SL1: Walaaltinnimadiina horaannu u eednaye, makala ceeb la’aanaa oo dad jaara ma ahaannaa. Annagu go’aan shacab baannu qaadannay, go’aankayaguna waa cad yahay.
#Som: Abboowe fiiri, wixii dhacay annaga waan la soconnaa, Madaxweyne Farmaajo raalli ahaada hadda ka hor ma idin dhihinoo!
#SL1: Adeer, u malayn maayo inaad la socotay waxaannu soo marnay, cadaawaddii nalagula kacay, barakacii iyo burburkii na gaadhay.
#Som1: Qax maa qax ka xun, annaga xitaa waan qaxnay, gurigeennii madafac aa ku dhacay. Dagaalkii Caydiid iyo Cali Mahadi inaa maqashay aan u malaynaa, Xamar oo dhan waa laga qaxay.
#SL1: Adeer, dad shacab ah oo iyaga dhexdooda qabaa’il isu dilay ka hadli maayee, ummad dhan oo la xasuuqay oo diyaarado lagu rusheeyey, oo dawladdoodii ay cashuurta siinayeen diyaaradii garoonka hargeysa ka kaceysey isla Hargaysa duqaysay oo dhulka la sintay ayaan ka hadlayaa.
#Som1: Idinka xitaa intii Siyaad Barre baxay waa is dagaasheen aan maqlay, “dagaalkii Habateey Habarteeyda”, annaga keligeen maa qabiil isu dagaalnay.
#SL1: War adeer isfahmi maynee, waxan aan ka hadlayaa, waa qaddiyad adiga kaa da’ weyn. Qaddiyadadayadu waa qaddiyad ku siman ilaa 1960, markaannu calanka iyo dawladnimada idiin keennay, oo idin aamminay oo wixiiba gacanta idiin gelinnay iyo khiyaamadii aad nagula kacdeen.
#Som1: Fiiri, abboowe, adiga waxaas dib hanoogu celin 1960. Calankaan idinka maa keenay, Cawaale oo SYL ah ma samayninoo. Xamar aa lagu sameeyey ani saan maqlay.
#SL1: War inaadeer dhegeyso; Ilaa inqilaabkii Xasan Kayd saluuggayagu wuu taagnaa. Referendum-kii la qaadayna waad la socotaa in dadkii reer Somaliland badidoodu midowgii diideen. Xilalkii dawladda intii ugu mudnayd iyo caasimaddiina waa taad qaadateen.
#Som1: Yaa waaye Xasan Kaydkaasna? Siyaad Barre referrendumkiisa iyo waxaas bug ay ahaayeen iska dhaaf adi!
#SL: War ninyohoow nin taariikhda ummadan la socda ma tihide, waxaasina waa waxaannu idiiinka go’aynaaye, intaan dhib kale inagu kala dhicin maad ina kala dhufataan, sidaasaa labadeenna darafba u roone.
#Som1: Fiiri adi markaa leedahay xilalkii koonfur lee isku koobtay, Cigaal mar Raysalwasaare ma ka dhiginoo. Cumar Cartena Cali Mahdiyaa RW ka dhigay. Labadaba kor iyo Hargeysa ma ka imanoo?
#SL1: War adeer wax daran baa idin ka soo socdee haddaad sidan u hadlayside, waxbaba ma wadaagi karnee, hadaynaan taariikhdaba isla garanayn sidaynu wax isugu darsan karnaa.
#Som1: Ee, fiiri adiga taariikhdaas hore iska dhaaf hadda loomaba baahnee, hadda iyo kow aan sheeko cusub biloowno, dadkaan midnimadaa u fiican annaga saasaan qabnaa, waa idin tuugaynaa sheekada aan kala tuurno.
#SL1: War qaddiyadayadu wax la kala tuuro ka weynee, innagoo laba dawladood oo kala madax bannaan ah oo xor ah ayaynu isku darsannay, maantana soddon sano ayaannu gaar u taagnayn, dadkayaguna go’aan shacab oo afti loo qaaday ayay gaadheen.
#Som1: Go’aankaas iska dhaaf adi soddonkaas sano aa sheegooyso cid idin aqoonsatay ma jirto, idinka lee dawlad sheeganaayey. Fiiri annaga dawlad la aqoonsan yahay aan nahay saaxiiboow nagu soo biira, kistiinna waa idiin ogol nahay.
#SL1: War heedhee, Qawdhanoow inankan is fahmi maynee bal adigu inankan iga nasi!
#SL2: War adeer, sidaa odaygu kuu sheegay, annagu 26kii June baannu xornimada qaadannay, hiloow iyo jibbo Soomaaliyeed ayaannu idiin la nimid, waxaa ninkan odayga ahi kuu sheegayey ayaannuna idin kala kulannay. Waddamo badan oo adduunka ah ayaa hore inta u midoobeen, markay danahoodu is waafiqi waayeen aakhirkii kala noqday. Annaguna go’aankayagu hadda 30 sannadood buu marayaa mid laga noqonayona maaha ee innagoo kala ceeb la’ ma is maca salaamaynaa.
#Som1: Intii lee adi ku celisay. Guduudoow adiga duqaan cusub la wad sheekada.
#Som2: Fiiri duq Qawdhan, annaga meeshaan midnimo Soomaaliyeed aan u nimid, taas aa faa’iido noogu wada jirtaa. Maraykanka, Turkiga, Qadar iyo beesha caalamka dano badan ay naga leeyihiin, lacag badan aa noo diyaara, idinka see camal waaye kistiinaa qaadanaysiin kharashkaas waa inii ogol nahay. “Markaa nagu soo biirtaan” Raysal wasaare waa idiin ogol nahay xitaa haddaa rabtiin. Magaalo weyn haddaa qabi lahaydeen oo Xamar camal ah caasimadda xitaa waa idin siin lahahayn.
#SL2: War adeer aflagaadadii kii hore ayuun baad waddaaye, saw ma ogid in qaddiyadayadu ay buuxisay dhammaan shuruudihii dal lagu ictiraafi jirey. Tusaale ahaan; xuduud caalamiya oo ku salaysan tii AU-da ee 1963, dad midaysan, dastuur afti dadweyne loo qaaday, ciidan qaran, lacag iwm. Doorashooyin xor iyo xalaal ah inaanu qabsannay oo 5 madaxweyne isku beddeleen miyaydaan arrimahaas la socon.
#Som2: Waxaas camal Puntlandba waa qabtaa. Meeqa madaxweyne aa doorasho isku beddelay Garoowe. Fiiri Galmudug  xataa meeqa madaxweyne aa isbeddeshay. Cabdi Qaybdiid, Caalin,  Abdikariin Guuleed, Xaaf  iyo Qoorqoor. Iyada xitaa shan maahinoo.
#SL2: Adeer is afgaran maynee, halkaa ha inoogu xidhnaato. “Waryaadha kala quusannee qoomamo la’aada”. Wixii idin soo hor fadhiistaa idin ka khaldanaaye.
#Som2: Duqa, adi ha xanaaqin nooh. Bootadii Cali Qaliif camal aad nagu soo gantee. Idinka lee waaye, 30 sano kale ictiraaf raadiya marka.
#SL3: Adeer halkaa inoogu xidha. Waxaanse idin su’aalay qof Hargeysa ama Burco tegey ma idin ku jiraa,?
#Som3: kkkkkkk, Hargeysa iyo Burco ku lahaa! Jinni maan qabaa, jinni markaan meelahaas tegaa!
#SL4: War meesha inaga kiciya reer Somaliland-oow, wixii aan idiinka warramayey maanta indhihiinnoo shana saw ma haystaan. Wax ka dheefa dee waa taad ila yaabayseen markaan idin lahaa nimankaa war isuma haynee yaynaan hor fadhiisan  iyadoo aanay meeshu ahayn fagaare caalamiya oo adduunku ina dhexjoogo oo aynu dooddeena iyo dacwaddeena si qumman u dhiibanayno caalamkoo ka markhaatiya. Nimankan fagaare caalamiya uun baynu wax kaga goosan karnaa.
#SOM4: Fagaarage caalamiya kuma lahoo, Wallaahi Dhulmahante iyo Warsangeli iyo reer Boorame aan soo fariisinaynaa fagaarahaas!
#SL4: War waxan dugaagga ah intaan gacani inaga gaadhin inaga keena!
Maxamuud Ibrahim (Xaaji)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker