Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo kormeeray cusbitaalka guud ee Hargeysa iyo qaybta daryeelka carruurta ee MAS.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa saaka kormeer shaqo kusoo maray cusbitaalka guud ee Hargeysa iyo cusbitaalka daryeelka carruurta ee Maxamed Aadan Sheekh (MAS).
Madaxweynaha, ayaa kormeerkiisa shaqo ugu kuurgalay habsami u socodka hawlaha adeeg ee ka socda cusbitaalka guud ee Hargeysa, waxana uu mid mid u galay qaybaha kala duwan ee uu cusbitaalku ka kooban yahay oo ay ka socotay shaqo ballaadhan oo loogu adeegayo bukaannadii halkaas ku sugnaa.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu sidoo kale kormeerkiisa kusoo maray cusbitaalka daryeelka carruurta ee Maxamed Aadan Sheekh, waxana uu indhihiisa ku arkay sida habsamida leh ee loogu adeegayo ubadka halkaas loo keeno xaaladaha caafimaad.
Agaasimaha cusbitaalka guud ee cusbitaalka Hargeysa, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan iyo agaasimaha cusbitaalka daryeelka carruurta ee MAS, Dr. Axmed Maxamuud Jiciir oo halkaas ka hadlay, ayaa madaxweynaha uga warbixiyey adeegyada hufan ee ay labada cusbitaal u qabtaan dadweynaha iyo carruurta halkaas la keeno, waxana ay si cad u sheegeen inay bixiyaan adeeg hufan oo ay ku qanceen bulshada shaqada loo qabtaa.
Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa isaguna madaxweynaha ugaga mahadnaqay booqashadiisa, waxana uu tilmaamay inay dedaal badan geliyeen inay dadweynaha jilicsani kusoo hirtaan cusbitaallada ay dawladdu gacanta ku hayso, maaddaama oo ay bixiyaan adeegyo hufan oo bilaash ah.
Wasiir-ku-xigeenka wasaaradda horumarinta caafimaadka, Mudane Liibaan Yuusuf Gaaxnuug, ayaa dhankiisa madaxweynaha kusoo dhaweeyey xarunta cusbitaalka guud ee Hargeysa, waxana uu ka warramay horumarka ballaadhan ee ka hana qaaday guud ahaanba cusbitaallada dawliga ah ee ay xukuumaddu gacanta ku hayso.
Madaxweynuhu waxa uu ka ashqaraaray horumarka xawliga ku socda ee uu samaynayo cusbitaalka guud ee Hargeysa, waxana uu si mug leh u ammaanay madaxda iyo shaqaalaha kala duwan ee halkaas ka hawlgala oo si hufan ugu adeega bukaannada halkaas u adeeg doonta, waxana uu mahadnaq ballaadhan u jeediyey bahda caafimaadka, isaga oo bulshada reer Somaliland-na u dardaarmay isku duubni iyo midnimo,”Bahda caafimaadka oo dhan waan u mahadnaqayaa, inta bugtana Ilaahay ha shaafiyo, nabadgelyo iyo horumar na dalkeenna iyo dadkaba Allah ha siiyo, guud ahaan shacabkana waxan kula dardaarmayaa wada-jir dedaal badan iyo danta guud oo la wada jiro,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wax lagu farxo ku tilmaamay in dhallinyaro dalka gudihiisa wax ku baratay ay adeegga tayadaas leh u qabtaan dadweynahooda, lana tacaalaan xanuunno ay adkayd in dalka gudihiisa wax lagaga qabto, waxana uu yidhi, “Da’yarta intooda badan waalidkood waxbarashada ka soo bixiyeen ee iskood wax usoo bartay inay maanta dhaqtarkii meel aad u wanaagsan marinayaan, hawl walbana qaban karaan, adeegsanaysaanna inay wadnaha qalaan, qaranka iyo qof walba farxad weyn bay u tahay.”
Ugu dambayntii, madaxweynaha qaranku waxa uu si gaar ah u kormeeray waaxda Indhaha ee cusbitaalka Hargeysa oo qalliimo guulaystay loogu samaynayo in ka badan 600 (Lix Boqol) oo bukaanka oo laga daweeyey dhibaato dhinaca aragga ah oo ay dhibbane u ahaayeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker