Daawo: Dowlada Somaliya Oo si Adag Uga Hadashay Kufsi Laba Gabdhood Oo Yar-yar Loogu Gaystay Afgooye

Daawo: Wasiirka Warfaafinta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa si kulul u cambaareeyay kufsi naxariis daro ahaa oo dhawaan degmada Afgooye loogu geestay labo gabdhood oo saqiiro ah.

 

Waxa uu sheegay Wasiirka in falkaasi kufsiga ah ay geesteen dad waxmagarato ah oon laheyn damiir Soomaaliyeed, waxa uuna falkaasi kufsiga lagula kacay gabdhahaasi yar yar ku tilmaamay mid aan la aqbali karin.

 

“Waxaan si kulul u cambaaraynaynaa ficilka wuxuushnimada leh oo ka dhacay Degmada Afgooye oo lagula kacay Laba Gabdhood oo aad u da’yar, waa tacaddi iyo weerar oo loo geystay Magaca Soomaaliyeed.” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

 

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada amaanka ku raad joogaan dadkii ka dambeeyeeyay kufsiga gabdhaha yar loo geestay, waxa uuna tilmaamay dadkaasi hadii la qabto ciqaab adag la kulmi doonaan.

 

 

Degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa dhawaan lagu kufsaday labo gabdhood oo afar sano jir iyo sadex sano jir kala ahaa kuwaa oo la sheegay in ay ahaayeen qaraabo , lamana oga wali dadkii kufsigaasi ka dambeeyay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker