Taiwan Oo Maanta Agab Caafimaad ku wareejisay Somaliland

Taiwan ayaa Maanta oo Axad ah waxaa ay Somaliland soo gaadhsiisay agab Caafimaad oo looga hortego faafidda Cudurka halista ah ee COVID-19 oo mar labaad kusoo laba kacleeyay deegaanada Somaliland.

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa agabka Caafimaad ee ka yimid Taiwan kula wareegay Magaalada Hargeysa, iyagoona Taiwan uga mahadceliyay Deeq ay gaarsiisay.

Agabka Caafimaadka ee lagu wareejiyay Somaliland ayaa waxaa ku jiray dharka loogu tala-galay inay xirtaan shaqaalaha Caafimaadka, xiliyada ay aasayaan dadka u dhinta Cudurka COVID-19.

Somaliland ayaa waxaa mar labaad ksuoo laba kacleeyay Cudurka COVID-19, iyadoona halkaas ay xnuunka ugu geeriyoodeen dad farabadan, halka kuwo kalena uu ku dhacay, waxaana xusid mudan in tallaalka Cudurka laga bilbaabay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker