Nin Soomaali Ah Oo 30 sano ku nool dalka Ukraine Oo Ka Waramaya Xaaladda Dalkaas

Madaxweynaha dalka Ukraine ayaa mar kale ugu baaqay madaxda 27-ka waddan ee ku jira Midowga Yurub in ay u oggolaadaan in uu dalkaasi xubin ka noqdo Midowga Yurub. Madxawyenaha Ukraine waxa uu maanta khudbad u jeediyey baarlamaanka Yurub.

Dhinaca kale dalkaasi waxaa ka sii socda dagaallada, iyadoo ciidamada Ruushku sheegeen inay ka gooyeen marinkii ay Ukraine u lahayd badda.

Magaalooyinka waddankaasi ayaa isku diyaarinaya maalmo adag in ay ka horreeyaan maadaama kolonyo ciidamada Ukraine ah ay ku sii jeedaan magaalooyinka waaweyn oo ay ku jirto caaismadda Kyiv.

Haddaba, waa sidee nolosha dalka Ukraine? saamayn intee la eg ayuu ilaa immika dagaalku ku yeeshay? Arrimahaasi iyo kuwa kale ayaa waxaa ka hadlaya Axmed Saalah Shariif oo 30 sano ku nool dalkaasi Ukraine.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker