Markab Ay Leedahay Dawladda Itoobiya Oo Kusoo Xidhay Dekedda Eratariya Iyo Raysal-Wasaare Abyi Axmed Oo Ku Sugan Asmara

Markabkii ugu horreeyey ee laga leeyahay dalka Itoobiya ayaa 20 sano kadib Maanta ku xidhay Dekedda Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea.

 

Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa hadda ku sugan dalka Eritrea, isaga oo wada-hadal la leh Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, ka dib markii labada masuul ay bishii July ee sannadkian kala saxeexdeen in la soo afjaro colaaddii dhex taalay labada dal, waxaana muuqda in Itoobiya iyo Eritrea ay sidii hore iskaga soo dhawaanayaan.

 

Booqashadan uu Abiy Ahmed ku tagay Asmara waxaa ay noqoneysaa tii labaad tan iyo markii ay kala saxeexdeen labada dowladood heshiiska.

 

Dagaalka Itoobiya iyo Eritrea ayaa bilaabmay sanadkii 1998 isaga oo socday ilaa laga soo gaadho sanadkii 2000, waxaana uuu dagaalka galaaftay nolosha Kumannaan Kun oo dad ah kana kala tirsanaa labada dowladood.

 

Warka la xidhiidha Markabka Itoobiya leedahay eek u xidhay Dekedda Asmara, waxa baahisay Warbaahin xidhiidh la leh Dawladda Eratariya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker