Xuutiyiinta Yemen Oo Gacanta Ku Dhigay Askari Dil U Geystay Muwaadin Soomaali Ah.

War ka soo baxay Saldhiga Boliska ee May 22 ee Galbeedka magaalladda Sanca ee dalka Yeman ayaa lagu sheegay in gacanta lagu dhigay Gacan-ku-dhiiglihii sida xaq-darada u dilay Allaha U Naxariisto Muwaadin Soomaali ah oo lagu magacaabi jirey Ibraahim Cali Faarax Muuse oo 36-jir ahaa.

Gacan-ku-dhiiglaha la qabtay oo magaciisa lagu sheegay Khaalid C/Baasid Yaxya Naasir Al-Jayifi waa 32-jir, kaasi oo la xaqiijiyey inuu Marxuumka ku dhufatay 5 xabbo oo rasaasta Qoriga Ak 47 ee uu Gacan-ku-dhiigluhu garaarnaa.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay Maamulka Kooxda Xuutiyiinta ee gacanta ku haysa Magaalladda Sanca ay dilka Muwaadinka Soomaaliyeed kadib ay gawaari lagu xiray Samaacado waa weyn ku naadinayeen in la soo qabto Gacan-ku-dhiiglaha oo baxsad ahaa.

Booliska Xuutiyiinta ayaa waxaa ugu dambayntii ku guuleysteen in la soo qabto Gacan-ku-dhiiglaha, kaasi oo dhawaan la soo taagi doono Maxkamad hoos tagta Maamulka Xuutiyiinta.

Denbiilaha dilka geystay ayaa waxaa la sheegay inuu Muwaadinka Soomaalida istaajiyey, xilli uu ku sii jeeday Xarunta Jaamacadda Aljazeera ee Sanca oo uu ka ahaa Shaqaalaha Nadaafadda.

Marxuumka ayaana la toogtay, kadib, markii uu Dableygu weydiiyey Jinsiyadiisa, kaasi oo Marxuumka toogtay markii uu caddeeyey inuu yahay Muwaadin Soomaali ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker