Qaramada Midoobay Oo Amaro Culus Oo Falcelin U Muuqda Ku Soo Rogtay Shaqaalaheeda Muqdisho +Akhriso.

Muqdisho-(OWN)-Qarammada Midoobay ayaa ku dhawaaqday inay yareynayso shaqaalaheeda ka jooga Soomaaliya, kadib markii Hoobiye lagu weeraray 1-dii bishan xaruntoodii Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ku dhaawacmeen 3 xubnood u shaqeynayey iyo qandaraasleyaal la shaqeeyaba.

Qarammada Midoobay waxay xaqiijiyeenย  in masuuliyiintii loo xilsaaray dhacdadii weerarku ay goโ€™aamiyeen in la xaddidoย  shaqaalaha ka jooga Muqdisho.

Waxa kaloo ayย  Qarammada Midoobayย ย  tilmaantay in hawl-wadeenno lagu waday inay Axadii maanta tagaan Muqdisho lagu war-geliyey inay si ku meel-gaadh ah iskaga joogaan Nairobi ee dalka Kenya, sidoo kale hawlwadeenno kaleย  oo ay u qorsheysnayd inay Isniintaย  beriย  u safraan Muqdisho ayaaย  iyagana la farayย  inay iskaย  sii joogaanย  Nairobi.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay markii ay soo baxeen tuhun la xidhiidha in dawladda Soomaaliya ay ka dambeyso weerarka lagu bartilmaameedsaday xarunta UN-ka ee Muqdisho.

Waxa kaloo walaacan dhaliyey in isla maalintii la weeraray xafiiskooda ay dawladda Soomaaliya soo saartay goโ€™aankii ay dalkaas qalalaasuhu hadheeyey ka mastaafurisay Wakiilkii Qarammada midoobay Nicholas Haysom

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker