Lugooyada Madaxda somaliland: W/Q: Abdirisaq Ahmed Egal

iyana Waa tabaalaha waqtiga taynu Aragnaa.
(Xaaji Aadan afqalooc)

Reer banii isreal waxa soo maray waqti dhib iyo aafaad badnaa oo baalasha taariikhda lagu xuso.
waqtiyadii soo maray waxaa kamid ahaa Xilli nabi muuse iyo reer bani isreal lagu amray inay gallaan Dhulkii barakaysnaa ارض المقذسه Taas oo ahayd amar xaga Eebe ka Yimid oo iyaga markaa Badbaado u ahaa.
Sida ay ka waramayso suurada 5aad ee Qur’aanka kariimka ah waa diideen inay gallaan dhulkii badbaadadoodu ku jirtey waxaanay si jees jees ah ugu tiraabeen (nebi muusoow adiga iyo Rabigaa galla anagu halkan ayaan sii yururanaaye انا لن نذخلها ابذا مادامو فيها ).
Kolkii ay ka madax Addaygeen Fariintii illaahiga ahayd Waxa lagu Salliday inay dhulka eebe balaadhshay ay ku dawakheen oo kobtii ay aroorta ka guuraan Barqinkii dib ugu soo noqonayeen arintaasi waxay socotay muddo Afartan sanno ah اربعين سنه يتيهون في الارض ).

Jaah-wareerkaa ku dhacay reer bani israiil waxa maanta u eeg jaah-Wareerka haysta Maamulka somaliland oo aad moodo in kobtii ay shalay ka guureen ay maanta dib u galshaysteen.
jaah-Wareerkaa waxa gabay ku tilmaamay afqalooc waxaanu yidhu:
-Hadaanse tiriyo Waxaan nahay waa tawahayaaye
-Taariikhda weli soo ma marin teenan oo kale’e
-Tiihii israaiil helay bay Tani sallowdaaye.

30 Sano kadib dhismaha jamhuuriyada Somaliland Waxay shacabku Quudareynayeen Rajo iyo Adeeg dawladnimo oo maalinba maalinta ka dambaysa ay ku naaloodaan.

Rubuc qarni in ka badan Ma jiro gebi ahaanba adeeg dawladeed oo shacabku mahadiyaan, Waxa Maalin iyo Allayl Oxygen la’aan loogu dhimanayaa Cusbitaalkii Qaranka ee caasimada ku yiiley, Sidoo kale waxa halis ku jirta Nolosha 90% dadka ku dhaqan Somaliland oo aan helin biyo ku filan, Xaaladaha dhaqaale iyagu waa kuwo aan laga sheekeyn karin.

Hadaba Weydiinta meesha Taallaa waxay tahay 1. Rubuc Qarni kadib Somaliland ma waxay u baahantahay Nolol shacabka loo sameeyo mise In la qurxiyo Diyaaradii 30 sano ka hor dalka burburisay?

Xaqiiqadu waxay tahay shacabku wuxu baadigoobayaa midhaha dawladnimadii lagu dhawaaqay, Wuxu shacabku ku haminayaa in laga baxo muuqaalka hada u eeg Qabiil Qabiil kale cashuurta ka Qaadaya ee ku dhisanaaya Deegaanadiisa.

Reer Somaliland waxay u baahan yihiin:

1. Adeeg dawladeed oo gaadha dhamaan Gobollada dalka iyo degmooyinka
2. Waddooyin iyo jidad ay ku socdaan
3. In ganacsiga xor laga dhigo oo Kootada iyo nin jeclaysiga laga daayo
4.Ku dhaqanka shuruucda Dalka kuwaas oo madaxdu ay xagooda kaga tumanayaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker