Dawladda Ethiopia Oo Ku Raad Joogta Madaxi Hore Ee Sirddoonka Dalkaasi +Akhriso Faah-faahinta.

Addis-ababa-(OWN)-Masโ€™โ€™uuliyiinta dalka Itoobiya ayaa warqad lagu xidhayo u jartay madaxi hore ee sirddoonka dalkaasi, Getachew Assefa.

Waxaa jiraa warar soo baxaya oo ah in lala xidhiidhiyo ย xadgudub dhanka xuquuqda aadanaha ah.

Getachew ayaa ahaa madaxi sirddoonka Itoobiya ka hor inta uusan xilka qaban raโ€™iisul wasaare Abiy Axmed.

Abiy ayaa horraan ballan qaaday in saraakiishii ku tumatay xuquuqda aadanaha lala xisaabtamayo.

Kalfadhigii baarlamaanka Salaasadii , xeer ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya Birhanu Tsegay ayaa ku eedeeyay maamulka Tigreega inay qarinayaan Getachew oo uu sheegay inuu halkaasi ku dhuumaaleysanaya.

Qaar kamid ah shacabka iyo siyaasiyiinta Tigreega ayaa ku eedeeyay dowladda Itoobiya in iyagu ay bartilmaameedsaneyso.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker