Hoggaamiyaha Wuqooyiga Kuuriya oo Khudbadiisii Sanadka Cusub 2019 Si kulul Ula Hadlay Mareykanka
Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa siweyn uga hadlay heshiiskii dalkiisa uu la gaadhay Mareykanka oo ku saabsanaa ka tanaasulka arrimaah horumarinta Nuclearka ee dalkaasi,wuxuuna ka dalbaday Mareykanku in uu arrinkaasi fuliyo waxyaabihii lagu heshiiyay.
Mr Kim Jon Un ayaa hadalkan jeediyay isagoo khudbad sanadle ah u jeedinayay shacbka dalkiixsa,wuxuuna sheegay in Xukuumadda Pyongyang ay k ago’antahay ka tanaasulka Nuclearka iyo ballaarintiisa oo dunidu ay ka walaacday,balse wuxuu muujiyay in weli Washington aanay ka soo dhalaalin waxyaabihii lagu heshiiyay.
Hadalada Hoggaamiyaha Da’da yare e Waqooyiga Kuuriya oo ay ku jireen ereyo u muuqanayay hanjabaadyo lagana sii daayay Televeshinka Qaranka dalkaasi ayaa muujiyay in dalkiisa uu xaq u leeyahay in uu ilaaliyo sharafta,badaxbanaanida iyo damnaha shacabka Kuuriyada Waqooyi.




