Guddiga Dhallinyarada Sacad Muuse Oo Baaq Ka Soo Saaray Xurgufta Suldaanka Guud & Salaadiinta Kale Ee Subeer Awal

Hargeysa (OWN) – Guddiga dhallinyarada Beesha Sacad (Subeer Awal), ayaa soo saaray baaq ku aaddan xurgufta soo kala dhex gashay Suldaanka guud ee Subeer Awal iyo Salaadiinta kale ee beesha.

Guddiga ayaa ku baaqay in la joojiyo hadallada sii kala fogaynaya Madax-dhaqameedka Beesha Subeer Awal, iyaguna guddi ahaan ka shaqaynayaan sidii ay labada dhinac iskugu soo dhaweyn lahaayeen.

Bayaan ay Caawa Hargeysa ka soo saareen Guddiga Dhallinyarada Beesha Sacad Muuse, ayaa isagoo dhamaystiran u qornaa sidan:- “Kulan deg-deg ah oo ay yeesheen gudida dhalinyarada Sacad

Muuse oo ujeedadiisu ahayd in wax la iska waydiiyo xaaladdan deg-degga ah ee u dhaxaysa Suldanka guud & Salaadiinta Kale. Sidaas daraadeed waxay ka soo saareen dhowkan qodob:-

1- Ugu horeyn, guddidu waxay ka digaysaa in aan koox ama qof danbe oo warbahinta kaga hadla arintasi aanu jirin.

2-  Guddidu Waxay baaq u diraysaa labada dhinac in aaney mar danbe warbaahinta

waxba isku marin.

3- Guddida ayaa labada garab ee kala safatay kulamo gaar gaara ah la yeelaneysa.

4- Waxay isku soo jiidi doonaan labada garab, maaddaama aanay jirin cid ilaa imika kala dhex gashay, ciddii kala dhex geli lahaydn ay Tv-yada isku soo fadhiisteen.

  1. Guddidu waxay baaq u diraysaa dhammaan qaybaha kala duwan ee Beel-weynta Subeer Awal bahwaynta in laga war sugo dhexdhexadinta socota.

Waxaa kale oo laga digayaa in beesha Subeer Awal,  hal-doorkooda & Waxgaradkoodii uu Arrimahan socda aanay daawan ee ay soo dhex galaan.”

Bayaanka waxa ku saxeexnaa Xubnaha Magacyadoodu kala yihiin:-

1- C/risaaq Cali Qaalib

2- Eng C/xakim Cabdi Oday

3- Axmed Maxamed Cali

4- Khalid Sacad Muuse

5- C/qani Saxardiid

6- Xamse Cali Axmed

7- Nuur Jirde Haybe

8- Ismacil cumar

9- Cali C/laahi Xaashi

10- Muxyaddiin adin Aw Daahir Ibraahim

11- C/salaan Carab Ibraahim

12- C/xakim Axmed Maxamud

13- Shucayb Axmed Ibraahim

14- Axmed Cali Xasan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker