Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo ka hadlay Nin Falastiini ah oo ay dileen Askarta Israaiil

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa waxa uu dilka nin Falastiini ah oo la xanuunsanayay cudurka Austism-ka oo bishii la soo dhaafay uu dilay askari boolis Israa’iili ah ku tilmaamay inay “musiibo aheyd”.

 

 

Iyad Halaq, oo ahaa 32-jir, ayaa waxaa lagu dilay dhulka la haysto ee Bariga Qudus xilli uu 30-kii May u socday sikuul wax lagu baro dadka qaba baahiyaha gaarka ah.

 

 

Booliska ayaa sheegay in askartu ay Mr Halaq uga shakiyeen inuu hub watay markaana ay xabadda ku fureen markii uu u hogaansami waayay amarradii ahaa inuu istaago.

 

 

Waxaa markii dambe la ogaaday inuusan hubaysnayn.

Mr Netanyahu ayaan meel fagaare ah tan iyo dhawaan meel fagaare ah kaga hadlin dilka ninkaas.

 

 

Axaddii ayuu tacsi u diray qoyska ninkaas waxa uuna sheegay inuu filayo in baaritaan buuxo lagu sameeyo toogashadaas.

 

 

 

 

“Waxa ay ugu baaqeen inuu istaago kaddibna waa ay daba ordeen. Intii la is eryanayay, ayey askartu xabbad ku fureen ninka laga shakiyay, kaas oo khatartiisii meesha laga saaray,” ayaa lagu sheegay bayaanka. “Wax hub ah lagama helin goobta kaddib markii la baaray”.

Waxaa la helay Mr Halaq oo qaba xanuunka austism-ka oo xabadka ay laba xabbadood kaga taal.

 

 

Dr Hatem Awiwi oo ay ilma adeer yihiin Mr Halaq ayaa sheegay in uu ninkaasi hayay xanuunka austism-ka oo ay aad ugu adkeyd inuu dadka la hadlo. Waxa uu sheegay in Mr Halaq uusan ogayn waxa askari boolis ah uu yahay oo wuu iska baxsaday uun.

 

 

Sidee looga falceliyay dhimashadiisa?

 

 

 

Toogashada ayaa waxa ay kicisay caro, oo kumannaan qof ayaa waxa ay ka qeybgaleen aaska Mr Halaq, halka Falastiiniyiin badan iyo Israa’iiliyiinba ay waddooyinka isugu soo baxeen si ay uga mudaharadaan dhimashadiisa.

 

 

 

 

 

Dadka xuquuqda u ololaynayay ayaa waxa ay wateen boorar ay ku qoran yihiin dilka George Floyd ee Mareykanka, taas oo uu ka dhashay dibadbaxyo ballaaran. Dadka isticmaala baraha bulshada ayaa waxa ay isticmaalayeen astaanta ah “Nafta dadka Falastiiniyiintu mance ayey leedahay” si ay u muujiyaan sida ay u cadhaysan yihiin.

Aaska Iyad Halaq waxaa lagu laray baaqyo ah in loo aargudo

Todobaadkii la soo dhaafay, wasiirka gaashaandhigga Israa’iil iyo ninka sugaya xilka Ra’iisul Wasaaraha Benny Gantz ayaa sheegay in golaha wasiirrada “ay runtii ka xun yihiin dhacdada” dilka Mr Halaq.

 

 

 

 

Waxa ay imanaysaa xilli ay sare u sii kacayaan xiisadaha u dhaxeeya Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta waxyar uun ka hor markii uu Mr Netanyahu ku dhawaaqay inuu ku fekarayo inuu xoog ku qabsado qeybo ka mid ah dhulka la haysto ee Daanta Galbeed arrintaas oo ay aad uga caroodeen Falastiiniyiinta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker