Daacish Iyo Puntland Oo Dagaal Xoogani Uu Ku Dhexmaray Buuralayda Galgala.
Boosaaso-(OWN)-Wararka naga soo gaadhaya Deegaanada Puntland ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo kooxda Daacish uu ka dhacay deegaanka Buuraha Galgala.
Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii ciidamada Puntland ay weerareen fadhiisin ciidamada Daacish ay ku lahaayeen deegaanka, sida saraakiisha ciidamada Puntland ay sheegeen.
Saraakiisha ciidamada Puntland u hadashay ayaa sheegay in Daacish ay ka dileen dagaalyahano badan oo ku sugnaa saldhig ay ku lahaayeen buuraha Galgala, waxaana ay sheegeen inay hub ka qabsadeen.
Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in kooxda ay ka saareen deegaano dhowr ah oo buuraha ka tirsan, walow Daacish dhankeeda ay guulo ka sheegatay dagaalka.
Xiisad dagaal ayaa ka taagan deegaanada Buuraha ee Galgala, waxaana ciidamada Puntland la sheegay inay heegan galeen, sida saraakiisha u hadashay ciidamada ay warbaahinta u sheegeen.




