Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Somaliland Oo Kulan La Qaatay Jaaliyadda Somaliland Ee Ingiriiska Ugana Warbixiyey Ujeedada Socdaalkiisa + Sawirro.
Ugu horeyn xidhiidhiyaha shirka Aqoonyahan: Cabdi Jaquur, Ayaa waxa uu ku soo dhaweeyay xubno ka midda Odayaasha Jaaliyadda Iyo Sarakiil ka-tirsan dowladda Somaliland,
Waxaana ka mid ahaa : Gudoomiye Maxamud Xirsi Duuduu , La-taliyaha Madaxweynaha Iyo Gudoomiyihii hore ee Goboladda Togdheer Iyo Awdal, Md Cabdoo Aayir la-taliye dhinaca sharciga ah: iyo Aqoonyahan Kamaal Muuse Idaar , Oday Maxamud X. Xasan Geelle, Sh. Cabdilaahi Colaad, Aqoonyahan Maxamuud Bare , Oday Xaashi iyo Gudoomiyaha Jaaliyadda Somaliland Dalka Ingiriiska gaar ahaan Magaalada Birmingham Md Cumar C/laahi Yaasiin , kuwaasi oo iyagu Muujiyey. Sida ay ugu faraxsan-yihiin , iney la kulmaan Gudoomiyaha Maxkamada Sare iyo Distooriga Somaliland Prof. Adan Xaaji Cali Axmed.
Waxayna runtii ka hadleen waxyaabo badan oo Kulanka khuseeyay: Iyagoo hadalo kooban goobta ka jeediyey. waxayna tilmaameen: Sida ay sheegeen inay Farxad weyn u tahay – ka jaaliyad ahaan, inay soo dhaweeyaan Gud. Maxkamadda Sare Somaliland, oo wax weyn ka qabtay wanaajinta Garsoorka Somaliland , Waxaanay Safarkiisa ku tilmaameen mid isagu Taariikhiya.
Intaa ka dib : Waxaa hadalkii lagu soo dhaweeyey Gudoomiyaha Maxkamadda Sare S/land. Isagoo ugu horeyn Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan dalka Uk uga Mahad-celiyay. Sidii Milgaha lahayd ee ay dhamaantood u soo dhaweeyeen, intii uu joogay dalkani Ingiriiska. Isagoo kulankaasi khudbad qiimo leh oo dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyey, kana waramay Hannaanka Caddaaladda JSL & kalsoonida Shacabku ku qabaan, Waxa uuna Jaaliyadda si waafiya ugu sharaxay Horamarkii Ugu dambeeyey ee ay ku talaabsatay Hayadda Garsoorka JSL.
Gudoomiye Adan Xaaji Cali : Ayaa Halkaasi Jaaliyadda Somaliland ugu soo bandhigay Video runtii wax weyn ka bedelay dareenka Bulshada Somaliland kana waramayey Isbedelka aadka u weyn Iyo Wax-qabadkii uu Gudoomiyuhu ka hirgalayey Muddadii uu xilka hayey, Prof. Adan Xaaji Ali. Waxaa kale oo uu ka War-bixiyey muuqaal ahaana halkaasi si dhaba loogu daawaday: Hawlaha fiican ee uu qabtay Iyo Sida uu Maxkamadda Sare ka dhigay inay ku wareegto Goboladda Dalka oo dhan. Ama ay Guur-guurtaba. Si “buu yidhi” Gudoomiye Adan Xaaji Ali Axmed ay ugu fududeeyaan dadka S/land ee tamarta yar. inaan ugu tagno halka ay sugan-yihiin. kuwaasi oo ay markii hore dhib ku ahayd inay yimaadaan Xarunta Maxkamadda Sare ee Hargeysa. isla-markaana Ay iminka Arintaasi dadku aad u soo dhaweeyeen.
Mar uu ka hadlayay ujeedada Safarkiisa Uk: Gudoomiye Prof Adan Xaaji Ali, Ayaa waxa uu sheegay in Booqashadiisa ay ahayd mid Rasmiya oo uu ay ka helay Dowladda dalka Ingiriiska gaar ahaana Xafiiska Arimaha Debadda Ingiriiska (Foreign Office) Iyo Haayadda Horumarinta Caalamiga ee Ingiriiska (DFID) oo ay wada shaqeyn buuxda leeyihhin Garsoorka Somaliland
Waxaan ka qayb-galay Ayuu Yidhi Gudoomiye Adam Xaaji Ali : Shir caalamiga oo lagu soo casuumay Somaliland loona qabtay Sideed Iyo Toban (18) Wadan oo uu Ingiriiska ku jiro Iyo wadamo kale oo iyagu ku cusbaa markaa sida Venezuela, Ghana, Somaliland Iyo Ruwanda, shirkaasi caalamiga ah . Waxaa lagaga hadlaayey Ayuu yidhi. Habka Hogaaminta wanaagsan iyo is-dhaafsiga khibraha kala duwan ee Aqoonta Sharciga ku saabsan.
Intii aan joogay waxaan la kulmay Ayuu yidhi Gudida Cadaalada Barlamaanka Uk. Garsoorayaal ka tirsan Maxkamada Sare Ingiriiska, Sarakiisha Qaybta danbiyada Uk,
Waxaan kale oo aan Booqanay: meelo kale sida Aqoon-isweydaarsi aanu la yeelanay Barlamaanka Scotland , gaar ahaan qaybtoodda Gudida Cadaaladda (Justice Committee) Iyo waxaan isna Booqday, Xafiiska Raysar-Wasaarada Down-Street-ka ee Magaalada London.
Xaflada ayaa ugu danbeyn ku soo geba-gabowdey : Jawi farxadeed iyadoo Gudidda Iyo Odayaasha Jaaliyadda Birmingham ay aad ugu Mahad-naqdey Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Iyo Dhamaan ka soo qeyb-galayaashii. Jawi Farxad iyo Rayn-Rayn leh. Ayuu ku soo Dhammaaday Aakhirkii Kulankaasi.
















