Gudida Doorashooyinka Somalia oo La Filayo inay ku dhawaaqaan dib u dhaca Doorshada

Muqdisho (OWN) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Oodwaynemedia ayaa sheegaya in dhawaan ay suurta-gal tahay in guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka. Somaia ku dhawaaqi Doonaan dib u dhaca doorashada .

 

 

Xubno ka tirsan guddiga ayaa sheegay in guddiga ay doonayaan in dib loo dhigo doorashada ilaa xal looga helayo cudurka Coronavirus, balse aysan wali soo dhameystirmin talooyinka arrintaan ku saabsan ee lala yeelanayo mas’uuiliyiin kale oo ka tirsan xafiisyada sare ee dalka iyo xisbiyada mucaaradk.

 

Shaqada guddiga waa istaagtay gobal ilaa magaalo, waxaa sidoo kale xirmay dhaq dhaqaaqii iyo howlihii guud ee doorashooyinka waxaana dalka ka jira qatarta Coronavirus mana la joogo xili laga hadlo doorasho,” ayuu yiri qof xubin sare ka ka ah guddiga oo la hadlay Caasimada Online.

Ma cadda muddada dib loo dhigay doorashada, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inay noqon karto ilaa lix bilood.

Guddiga ayaa ka hor inta aysan ku dhowaaqin go’aankooda sugaya inay eegaan xaaladda Coronavirus ee dalka, ayaga oo rumeysan in maalmaha ama asbuucyada soo socda ay kasii dari doonto, si go’aankoodu ugu muuqdo mid gar ah.

 

 

Lama oga sida ay suurta-gal ku noqon karto arrintaan balse waxay xubnaha guddiga sheegeen in ay aaminsan yihiin in qataro badan ka dhalan karto dib u dhaca laakiin waxaa ka sii daran bey yidhaahdeen qatarta COVID-19.

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker