Hogaamiyihii Afgambigii Dalka Suudaan Cawad Ibnu Cowf oo iscasilay
Wararka Ka Imanaya dalka Suudaan ayaa sheegaya in uu goor dhaweyd is casilay Wasiirkii gaashaandhiga, Madaxa golaha Golaha milateriga ee Suudaan oo loo doortay in uu isagu hogaamiyo labada sano ee soo socda dalka suudaan, ka dib markii uu shalay xilkaasi iska casilay Madaxweynihii hore Cumar Xasan al bashiir.
Awad Ibn Auf ayaa sidaasi ka sheegay telefishanka qaranka ee dalkaasi, waxaanu xilkaasi u magacaabay General Abdel Fattah Abdelrahman Burhan.
Dadka reer suudaan ayaa si weyn isugu soo baxay, waxaanay ku qaylinayeen weedho ka dhan Cawf iyaga oo sheegaya in uu yahay nin aad ugu dhaw madaxweynihii hore ee dalkaasi.
Dhinaca kale ciidamada Milatariga ee dalka Suudaan ayaa iyaguna si weyn u taageersan shacabka, waxaanay leeyihiin go’aanka u danbeeya waxa iska leh shacabka.
Caawa jidadka magaaladda Khartuum ayaa si weyn ay shacabku isugu soo baxeen, waxaanay bilaabeen dibadbaxyo.