Madaxweynaha Maamulka Koonfur-galbeed ayaa Magacaabay Guddi Baadhitaan Kusoo samaysa Dilal ka dhacay Baydhabo

Baydhabo:(OWN)-Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Dalka Somaliya,ayaa maanta magacaabay guddi uu sheegay inay shaqadoodu tahay in baadhis lagu sameeyo fafal-xasilooni daro oo ka dhacay deegaano hoos-yimaadda Maamulkiisa iyo cidda dhab-ahaan ku leh Falalkaasi.

Guddida ayaa waxa jira masuuliyiin ka tirsan Xukuumaddiisa,Lammaaaha Ammaanka iyo Maamulka Gobolka Baay iyo kuwa degmadda Baydhabo.

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen,waxa uu dhawaan si furan u sheegay in qorshaha ugu weyn ee xukuumaddiisu yahay sidii deegaamadda Maamulkiisu u ahaan la’ahaayeen qaar nabad-galyadooda laysku halaykan karo,isla-markaasna ka caagan falalka Xoogga Dagaalamayaasha ah,isaga oo guud ahaanba shacabkana ugu baaqay inay si dhaw ula shaqeeyaaan Laammaha ammaanka,si layska kaashado sugidda amniga.

Guddiga,ayaa waxa ku jira Wasiiradda Arrimaha Gudaha,Caafimaadka,Aminga,Dastuurka,Taliyaha Booliska iyo Guddoomiyaha Gobolka Baay,waxaana la filayaa in marka soo dhamasytiraan baadhitaankooda ay dawladdu shaacin doonto natiijadda baadhitaanka.

Dilal qorshaysan ayaa mudooyinkii u danbeeyay ka dhacayay deegaamo ka tirsan Gobolka BAAY,iyada oo dhawaan halkaas lagu dilay Ganacsade Caan ahaa oo lagu magacaabi-jiray Cali Aaddan Marguus.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker