Kooxda Liverpool oo Ku Guulaysatay Abaalmarinta Ay Bixiso BBC Sport

Kooxda Liverpool Tababaraheeda Jurgen Klopp iyo Laacibka da’da.yar ee  kooxda Manchester United ee Marcus Rashford ayaa dhammaantood abaalmarino kala hoyday xaflada sanadlaha ah ee BBC Sport ee “BBC Sport Personality Of The Year”

 

 

Aan ku bilawnee Liverpool ayaa ku guuleysatay abaalmarinta kooxda sanadka ee ay BBC Sport bixiso waxaana halkaas ugu guddoomay kabtankeeda Jordan Henderson.

 

 

Reds ayaa xilli ciyaareedkii hore kusoo guuleystay horyaalka Premier League markoodii ugu horreysay taariikhda iyagoo waliba dhibco badan si dhib la’aan ah ugu hantay.

 

Dhinaca kale Jurgen ayaa lagu maamuusay Abaalmarinta tababaraha sanadka ee ay BBC Sport bixiso maadaama oo uu ahaa maskaxdii ka dambaysay guulaha Liverpool ee uu ugu horreeyo inay kusoo guuleysteen Premier League.

 

Dhinaciisa Rashford ayaa lagu maamuusay abaalmarinta ay bixiyaan gudida BBC Sport ee khaaska ah iyadoo sanadkasta shaqsi lagu siiyo waxqabadkiisa gaarka ah.

 

 

Rashford ayaa sanadkan 2020 noqday mid halyeey ka ah guud ahaan England iyadoo inta ugu badan lagu xasuusto inuu ku qasbay dawlada UK inay sii wado cunada bilaashka ah ee ay siiso carruurta fuqarada ah ee dalkaas wakhtigii adkaa ee uu heerka ugu sarreeya marayay xanuunka Korona Fayras.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker