Masjidka Nabiga NNH oo laba bilood kadib dib loo furay

Medina (OWN) Wararka laga helayo wadanka Sacuudiga ayaa sheegaya in laba bilood kadib dib Loo furay saakay Masjidka Nabiga (N.N.K.H), salaadii subax ee saakay ayaana la furay qaar ka mid ah albaabada si dadka loogu ogolaado iney waajibka ku gutaan.

Masaajidda Barakeysan ee Makka iyo Madiina ayaa la xiray dhamaadkii Maarso iyadoo laga cabsi qabay inuu faafo fayrus-ka dunida dhibaatada ba’an gaarsiiyay ee Coronavirus, balse sida la xaqiijiyay dib ayaa loo furay Masjidka Nabiga ee ku yaalla magaalada Madiina.

Wali lama wada furin Albaabada oo dhan, balse waxaa la rajeynayaa in maalinba maalinta ka dambeysa la furo albaabo hor leh, waxaana la fahamsan yahay in kaliya loo ogolaan doono 40% iney dadka soo galaan masjidka.

Iyadoo la muujinaayo taxadar ayey dadka kala fogaan doonaan wakhtiga Salaadaha, maadaama ay wali jirto cabsi laga qabo xanuunka COVID19 oo muddo ku dhaw 3 bilood kala xiray isku socodka dadka dunida ku wada nool.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker