Dabley Hubaysan Oo Nin Ganacsade Ahaa Ku Dilay Magaalada Boosaaso Aabihiina Dhaawacay.
Boosaaso-(OWN)-Koox hubeysan ayaa nin la sheegay in uu ahaa Ganacsade waxa ay goor dhawayd ku dileen Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga maamulka Puntland.
Laba dhalinyaro ah oo ku hubeysan Bastoolado ayaa la sheegay in qaybta sare ee jirka ay ka toogteen Marxuum Cabdiqadir Maxamed Saleebaan oo la sheegay in uu ka mid ahaa Ganacstada Magaalada Boosaaso sidda wanaagsan looga yaqaano.
Kooxda ayaa sidoo kale dhaawacay Aabihii Maxamed Saleebaan oo la sheegay in uu la socday xilliga wiilkiisa la dilaayay.
Dadka degaanka ayaa sheegay dhalinyarada dilka geystay in ay goobta ka baxsadeen, ka hor inta aysan halkaasi gaadhin Ciidamada ammaanka maamulka Puntland.
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa Magaalada Boosaaso waxaa ka dhacayay dilal qorsheysan oo loo geysanaayay Ganacsato iyo waliba dad u shaqeeya shirkado si gaar ah loo leeyahay.





