Maxaa Ka Jira In Dawladda Itoobiya Ay Ka Noqotay Saamigii Ay Ku Lahayd Mashruuca Maal-gashi Ee Shirkadda DPWorld Ee Dekedda Berbera

Warar ayaa sheegaya in Dawladda Itoobiya ay gabi ahaanba kalaabatay Saamigii 19%-ka ahaa ee ay ku lahayd Mashruuca maalgashi ee ay shirkadda Imaaraatiga ah ee Dp-World kula wareegtay Marsadda Magaaladda Berbera .

Xoggahan ayaa tibaaxay in dawlada Itoobiya,ay gebi ahaan-ba ka noqotay saamigii 19% ah ee maalgashiga Marsadda,isla markaasna ay la baxday saamigaas ay ku lahayd maalgashiga Dekadda Berbera,waxaanay taas baddelkeeda ay door-biday inay iskugu lugga duwato dhankaa iyo Dekaddaha dalka Jabuuti ee ay hore u isticmaali jirtay iyo dekedo kale oo ay ka qorshaynayso Wadamada badaha ee Geeska ku yaala.

Dhanka kalena tan iyo markii uu Xukunka Itoobiya la wareegay Raysal Wasaare Abiy Ahmed waxa isoo tarayay in Dawladda Itoobiya ay ka noqotay saamigii ay Dawladda Somaliland ka siisay Mashruuca Shirkadda Imaaraatiga ah ee Dp-World kula wareegtay Marsada Magaaladda Berbera , islamarkaasna Itoobiya joojisay wax-yaabihii ay kale soo degi jirtay Magaalada Berbera,iyadoo aan dhawrkii bilood ee ugu dambeeyey isticmaalin Dekadda Berbera .

Ma jiro War amuurtan ku saabsan oo kasoo baxay xukuumadda Somaliland iyo Dowlada Itoobiya,marka laga reebbo xogaas aanu helayna ee sheegay in Dowlada itoobiya ay gebi ahaanba ka laabatay saamigii ahaa 19% ee ay ku lahayd maalgashiga marsada Berbera, balse waxa la filayaa inay Xukuumadda Somaliland ay maal-maha soo soccda arrintaas ka haddasho,islamarkaana ay tafaasiil ka bixiso.

Dhinaca kale xidhiidhka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya Xukuumadda Abiy iyo Dawladda Federaalka  ee Soomaaliya ayaa sii xoogaysanaya waxaana si weyn loo aanaynayaa in gaabis ay Itoobiya ku samaysay Xidhiidhkii Somaliland ay lahayd inuu yahay mid ay ku raaligalinayso Dawladda Farmaajo oo cadaadis diplomaasiyadeed ku haysa Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker